Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland aviation minister returns back home and opens newly constructed airport lounges+video

Recommended Posts

Wasiirka Duulista Oo Dalka Ku Soo Laabtay Xadhigana Ka Jaray Dib u habayn Lagu sameeyay Qeybta Laga Soo Dego Ee M adaarka Berbera

June 3rd, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta si dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo kicitimay dalka Ingiriiska, waxaanna si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

 

Wasiirka waxa madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire), Maareeyeyaasha Madbacadda qaranka, tayada agabka iyo maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.

 

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu xadhiga ka jaray Dib u habayn lagu soo sameeyay qeybta laga soo dego ee madaarka Berbera.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay inay horumariso madaarradda dalka gaar ahaan Madaarka Berbera oo uu tilmaamay inay u qorshaysan tahay sidii ay madaarkaasi uga dhigi lahaayeen mid la tartama madaarada gobolka.

 

“Madaarkani waa madaar weyn oo qarankan qiimo faro badan ugu fadhiya waxa uu leeyahay (Run Way-ga) dhabadda Afrika ugu weyn, waxaana ka soo degi kara wax kasta oo cirka mara xataa diyaaradaha Nugliyeerka xambaara. Wasaarada duulistu waxay madaarkan Berbera ay ku fikiraysaa inuu noqdo mid la tartama madaarada mandaqada maadaama oo magaalada Berberi tahay goob istaraatajiya oo ganacsi in madaarka Berberina noqdo madaar Ganacsi,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka cirku.

Wasiirku waxa uu u mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada ee soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay.

 

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee wasaarada Duulista iyo gaadiidka hawada Maxamed Faarax ayaa isaguna maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaanu ka soo degay madaarka Hargeysa ka dib markii uu muddo laba Bilood ah socdaal caafimaad ugu maqnaa dalka Itoobiya.

 

Waxaana Agaasimaha ku soo dhaweeyay madaarka Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga C/Raxmaan Cawil iyo masuuliyiin kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this