Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Government sends a strong message to the republic of seychelles

Recommended Posts

Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Wasiirka Arrmaha Gudaha ee Dalka Seychelles Iyo Nuxurka

 

 

Berbera PRess

Dawladda Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Wasiirka Arrmaha Gudaha ee Dalka Seychelles Iyo Nuxurka

 

Thursday, 05 May 2011

 

Dawladda Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Wasiirka Arrmaha Gudaha ee Dalka Seychelles Iyo Nuxurka Hadalada

 

Labada Dhinaca

 

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay war ay faafisay dawladda

 

Seychelles oo ay ku sheegtay inay Somaliland la saxeexatay heshiis isfaham oo dhigaya in budhcad badeeda lagu

 

qabto badaha ee aan u dhalan Somaliland lagu hayo xabsiyada Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Seychelles Mr. Joe Morgan, ayaa saxaafadda u sheegay in heshiiskaas isfaham

 

lagu saxeexay shir doceed dhinac socday shirkii dhawaan ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa la

 

dagaalanka budhcad badeeda, wuxuuna wasiirku sheegay in heshiiskaasi cadaynayo niyad wanaaga iyo wacad oofinta

 

Somaliland iyo Puntland ee isfahamkii bishii Febarwari ay wasiirada cadaalada ee Somaliland iyo Puntland ku

 

saxeexeen dalka Seychelles.

 

“Heshiiskan isfaham ee ay Somaliland saxeexday waa gudbinta dhammaan budhcad badeeda la xukumay,

 

maaha kuwa Somaliland oo keliya.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in budhcad badeeda lagu

 

cidhib tiri karo iyadoo wada jir looga hawlgalo.

 

War-murtiyeed ay dawladda Seychelles soo saartay waxa kale oo ay ku sheegtay in heshiiskaas la saxeexay 14 April, ka

 

dib markii uu nin diblomaasi ah ka soo shaqeeyay. Hase yeeshe dawladda Somaliland ayaa beenisay inuu haba yaraate

 

jiro wax ay ku saxeexday mudadii uu shirkaasi socday, waxaanay sheegtay in warka ay Seychelles faafisay uu yahay

 

been abuur aanay waxba ka jirin, “Warkaas ay dawladdaasi faafisay waxba kama jiraan waanan cambaaraynayaa

 

sheegashadaas aanay waxba ka jirin. Ma jiro wax heshiis ama is afgarad ah oo ay dawladda Somaliland ku saxeexday

 

dalka Imaaraadka Carabta mudadii uu shirkii budhcad badeedu socday, wax iska bedelay mawqifkii xukuumadda

 

Somaliland ee ku saabsanaa arrimaha budhcad badeeduna ma jiraan.” Sidas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha

 

dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo uu Wargeyska Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay heshiiska

 

ay Seychelles faafisay inay wada gaadheen.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa hore u cadeeyay inay Somaliland xidhayso budhcad

 

badeeda lagu soo qabto badaheeda iyo wixii kale ee reer Somaliland ee badaha kale lagu qabto balse aanay xidhi

 

doonin wixii budhcad badeed ah ee badaha kale dambiyo ku gasha, waxaanu wasiirka khaarajigu sheegay inuu dhaqan

 

gal yahay mawqifkaas Madaxweyne Siilaanyo, “Somaliland mawqifkeedu waa wixii badaha Somaliland ku soo

 

xad gudba inay xidho iyo wixii reer Somaliland ah ee badaha kale lagu soo qabto, laakiin marna dalkeeda lama keeni

 

karo budhcad badeeda badaha kale lagu soo qabto.

 

Ma jirayso wax budhcad badeed ah oo lagu soo qabtay badaha dunida oo lagu xidhi doono amaba lagu maxkamadayn

 

doono gudaha Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu carrabka ku adkeeyay in heshiiska ay Seychelles

 

faafisay uu yahay mid been abuur ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this