Sign in to follow this  
Som@li

A Maakhiri Politician arrested in Bosaaso

Recommended Posts

Som@li   

Faroole oo Qoray Wareegtadii lagu Qabtay C/raxmaan Jamac Cabadalla [War Deg Deg ah]

Posted by Boosaaso on May 1, 2011 in Warar | 0 Comment

 

Mr Cabdalla Sawirka/Kaydka GalGalaNews

 

Bosaaso:-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu Wareegto ku amaray in la xidho Wasiirkii Hore ee Warshada Dawlada TFG Hadeerna ah Xildhibaan laga soo doorto Deegaanka Maakhir.

 

Ilo wareed ayaa sheegaya in Hotel Jubba oo u degenaa Masuulkaasi ay Isweer xoogan ka qabteen Ciidamada Madaxtooyada Puntland Kuwaasi oo sheegay in Madaxayne Faroole amaray in la xidho Siyaasi C/raxmana Jaamac Cabdalla.

 

Warar duul duul ah oo na soo gaadhaynay iyana waxay sheegayaan in Agaasime ka Tirsan Dawlada Somaliya oo isna Hotelkaasi degenaa la xidhay.

 

Lama sheegin sababta loo xidhay Masuuliyiintaasi hase ahaatee wararka Hoose ee la Helayo ayaa tibaaxaya in C/raxmaan Faroole uu aad uga soo Horjeedo Qorshaha ay wadaan Siyaasiyiinta Maakhir ee ah in Maamul Goboleed Gooni ah oo ka Madax banaan PL ay dhistaan kaasi oo sanadkii 2007- loogu walay qalay Maakhir State.

 

Siyaasi C/raxmaan Jaamac Cabadalla ayaa dhawaanahan ku sugnaa Puntland isaga oo Kormeeray Guud ahaan Deegaanka Sanaag iyo Hayland lana shiray Odayaasha iyo Maamulada Hoose ee degmooyinka Sanaag iyo Hayland.

 

Mr Cabdalle Safarkiisa ka dib wuxuu u Boqoolay Caasimada Somaliya madaama uu Yahay Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya isaga oo Howlo shaqo Muqdisho u Gaadhay.

 

Waxa la xasuustaa Waraysigii C/raxmaan Farool uu Idaacadaha siiyay markii uu Bosaaso soo gaadhay inuu Afka ku dhuftay Siyaasiyiin Reer Sanaag ah oo Xamar looga Yeedhay isaga oo Tuhmayay Miisaanka ay ku Yeelan karaa Loolanka siyaasadeed ee ka Aloosan Puntland

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa wel wel wayn ka qaba Maamul Goboleedyada Farah badan ee Puntland beelaha degan ay ku dhawaaqayaan sida SSC Raascaseyr State iyo Maamul Goboleedka Maakhir State.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Warar is khilaafsan oo kasoo baxaya xariga C/raxmaan Jamac Cabadalla

Posted by Abu Mucaad on May 1, 2011 in Warar | 0 Comment

 

Xiriiro aanu la samaynay goob joogayaal kusugan magaalada Bosaaso, gaar ahaan agagaarka laanta hawada, ayaa inoo xaqiijiyey in xildhibaan katirsan dowlada KMG, horayna u ahaa Wasiirka Warshadaha Dowlada Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Jaamac Cabdalle in caawa ay xabsiga u taxaabeen saraakiil katirsan laaamaha amniga magaalada Bosaaso.

 

Xildhibaanka ayaa lasheegay in maanta uu kula shiray Hotel Juba, qaar katirsan jaaliyada ku abtirsata gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeed Bari, isagoo kala hadlay arimo kusaabsan dar-dargalinta maamul madaxbanaan oo ka arimiya degaanada beelaha reer Maakhir ay degaan.

 

Sidoo kale, mar ay idaacada SPR khadka teleefoonka ku tiigsatay xildhibaanka teelkiisi gacanta, ayaa nin teelka qabtay oo magaciisu kusoo gaabiyey Maxamed inoo sheegay in ninka moobilka lahaa (Xildhibaan C/raxmaan Jaamac Cabdalla), uu haatan xirinyahay, isagoo ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ahi ina siiyo.

 

Dhanka kale, xiriir aanu la samaynay Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, ayaa gebi ahaanba beeniyey in xildhibaanka laxiray, kuna tilmaamay warkaasi mid aan sal iyo raad lahayn.

 

Wararkani iskhilaafsan ayaa kusoo aadayo xili uu meel qatar ah marayo Khilaafka udhaxeeya Masuuliyiinta Dowlada KMG Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland, waxaana ay horay eedaymo isku weydaarsaden Dhinaca Warbaahinta.

 

Dhamaadkii bishii January ayay maamulka Puntland gebi ahaanba ka mamnuucday degaamada ay ka arimiso, mas’uuliyiinta dowlada KMG. Dowlada Puntland ayaa uqeybisay Warqado digniin ah dhamaan Maamulada Deegaanada iyo Magaalooyinka Puntland, taas oo ay ku xusnayd in aysan tagi karin Deegaanada Masuuliyiinta Dowlada KMG Katirsan.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa dhawaan socdaal kusoo gaaray magaalada Bosaaso isagoo kahadlay arimo badan uu maamulkiisu la tacaalayo sida amni daro ay u aaba yihiin aanooyin beeleed, xiriirxumo dhanka dowlada KMG iyo burcadbadeed degaamadaasi ku xididaystay oo beesha caaalamka fara ba’an ku hayo.

Xigasho- spr.fm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well he is part of the transitional federal government of Somalia he knows if he sets foot in the garowe clan enclave controlled territories he most likely would be arrested. But i don't think they will hold him that long he will be deported back to Xammar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this