Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Aamin mise ha aaminin

Recommended Posts

Dhacdo la yaab leh oo ka yaabisay shacabka ku dhaqan magaalada Marka oo ka dhacday magaalada Marka

 

Dhacdadaan oo ka yaabisay shacabka ku dhaqan magaaladda Marka ayaa waxaa dhacday gudaha magaaladda Marka, iyadoo uu ku kacay Gudoomiyaha Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Waxaa magaaladda Marka ku noollaa nin ay reer Marka u yaqaaneen Jamaal Bishacas, kaasoo madax ka ahaa hay’adda Bishacas laanteeda magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna lahaa xaas iyo dhawr caruur ah oo ay u dhashay.

 

Kolkii Xarakada Al Shabaab ay sanadkii 2009-kii Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ay u soo magacawday Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu soo dagay qeybta sare ee gurigii uu ku noollaa Jamaal Bisha Cas.

 

Muddo gaaban kadib ayaa wuxuu Jamaal Bishacas uu isku arkay xaaskiisa iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo dacalka isku haaya, taasoo ka yaabisay Jamaal Bishacas, isla-markaana wuxuu garwaaqsaday in uu iska furo xaaskiisa.

 

Iyadoo aysan cudada u dhamaan xaaskii uu furay ayaa waxaa guursaday Gudoomiyaha Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, taasoo anfariir ku riday shacabka ku dhaqan magaaladda, bacdamaa ninka dhacdadaasi ku kacay uu dadka ku qasbo inay tukadaan, laakiin aanan fiirin qaladaadka uu faraha kula jiro.

 

Muddo kadib ayuu Jamaal uu iskaga soo tagay magaaladda Marka, waxaana jiray dhawr caruur ah oo ay u dhashay xaaskii ay kala tageen, isla-markaana caruurtaasi qaarkood ayuu Abuu Cabdalla uu ku daray ciidamadda Xarakada Al Shabaab, iyadoo mid kamid ah uu seddex cisho kahor kala jarjaray madfac culus, kadib kolkii ay Shabaab dagaalo xoogan la galeen dhinacyada uga soo horjeeda dalka.

 

Arinta kale ee ka yaabisay shacabka ku dhaqan magaaladda Marka ayaa waxay tahay in Abuu Cabdalla uu caruurtii Jamaal Bishacas uu u diray Jihaad, halka wiil qaan-gaar ah oo uu dhalayna uu dugsi sare ka dhigto iskuul ku yaalla magaaladda Marka Cadeey.

 

Dhinaca kale kolkii uu Jamaal Bishacas uu maqlay in mid kamid ah caruurtiisa uu kala jar jaray madfac ayaa waxaa la-sheegay in ay lasoo daristay xaalad adag, isla-markaana wuxuu noqday mid miir beelay “Koomo ku jira”, ilaa hadase lama oga waxa ay ku dambeen doonto mustaqbalka dhaw ee nolosha Jamaal Bishacas oo ay si weyn u garanayaan shacabka ku dhaqan magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Si kastaba ha ahaatee bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay qaladaad xoog leh ay ka tirsadaan Maamulka Xarakada Al Shabaab, inkastoo deegaanada uu Shabaabku gacanta ku haayo ay tahay deegaano ay kusoo dabaalleen kala dambeen.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this