Sign in to follow this  
Bashiir

Xiddig: Halka ugu Dhow ha iska Dhiibeen.

Recommended Posts

Bashiir   

Khamiis, 21 April 2011 10:58 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer

 

wasiir-cabdirashiid-maxamed-xiddig.jpg

 

Nairobi: (Afdheer) Wasiir ku-xigeenka wasaaradada gaashaandhigga dalka Soomaaliya cabdirashiid maxamed Xiddig ayaa sheegay in ay ciidamada dowladda Soomaaliya guullo ka gaadheen dagaaladii ka socday gobolada Gedo iyo Jubbooyinka Soomaaliya.

 

 

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dagaalo ka socdaan deegaanadda u dhow degmada Afmadow ee gobolka jubbada hoose iyo deegaanno hoos yimaada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

 

 

Wasiir ku xigeenka ayaa xaqiijiyey inay jiraan rag horjoogayaal sare lagu sheegay oo u dagaalamayey mucaaradka laguna qabqabtay dagaallo xidhiidh ah oo ka dhacay deegaanno u dhow Afmadow wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku inay hore usii socon doonaan ciidamada dowladddu gacantana ay ku dhigi doonaan dhammaan meelaha ay joogaan mucaaradka dowladda.

 

 

Wasiir ku xigenka wasaarada gaashaandhigga ayaa yiri " wax khilaaf ah kama dhax jiro ciidamadda dowladda iyo kooxaha kale ee ay is kaashanayaan mar uu ka jawaabayey su`aal aheyd in ay jiraan khilaaf soo kala dhaxgalay Ahlu sunna iyo ciidamada dowladda dhinaca gobolka Gedo".

 

 

Mudane Xiddig ayaa mucaardka dowladda ugu baaqay inay isku soo dhiibaan ciidamadda dowladda iyagoo iska dhiibi kara hadba meesha ugu dhow ee ay iskuga dhiibi karaan ciidamadda dowladda wuxuuna sheegay inay jiraan kooxo is dhiibay oo kasoo fakaday mucaaradka.

 

 

Ciidamadda dowladda ee howlgallada ka wada goboladda Jubbooyinka iyo Gedo ayaa doonaya inay xarumo ka sameystaan Kismaayo, Bu`aale iyo Baardheere maalmaha soo socda.

 

 

Nairobi

 

Afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Khamiis, 21 April 2011 11:41 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer |

 

Afmadow (Afdheer.com) Wararka naga soo gaaraya magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada-hoose ayaa tibaaxaya in kooxda Alshabaab ay ciidankoodi magaalada ku sugnaa dibadda uga saareen kaddib marki loogu xoogsheegtay dagaalladi deegaanka shalay ka dhacay ee u dhexeeyey ayaga iyo dowladda Soomaaliya oo ay ka hareer-dagaallamayaan ciidanka Raaskaambooniyiinta deegaanka.

 

Dagaalki shalay ayaa Alshabaab lagaga gubay baabuur dhawr ah oo kala ahaa kuwa dagaalka iyo kuwa waaweyn ee saadka iyo saanadda qaada, qaar kalana lagaga qabsaday, ayadoo sidoo kale nolol lagaga qabtay saraakiil sare oo dagaalka hoggaaminayey isuguna jira socoto (shisheeye) iyo Soomaali, waxaana goobta dagaalka lagu qabtay asagoo nool oo dhaawac ah Sheekh Maxamuud Takhal oo ahaa Madaxi Amniga gobollada Jubbooyinka ee Alshabaab oo ay hadda baxnaaninayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Raaskaambooniyiinta ee Dhoobleey maamula, qabashada saraakiisha ayaa timid kaddib marki cagta la mariyey kooxda Alshabaab taliskoodina lala wareegay ayna dagaalyahanadooda ku timid niyadjab iyo jahawareer.

 

Waxeyna wararku intaa ku darayaan in ciidan xooggan oo Alshabaab ka tirsan ay hadda dhufeys kaga jiraan tuulooyinka Miiddoo iyo Biibbi oon sidaas uga fogeyn magaalada Afmadow, halka ciidanka dowladda iyo Raaskaambooniyiintu ay ku wajahan yihiin Afmadow oo ah magaalo muhiim ah kuna taalla goob mudnaan weyn u leh halbowlaha siyaasadda iyo dhaqaalaha deegaanka Jubbooyinka.

 

Afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this