Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanno ku dhow Afmadow

Recommended Posts

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaallo ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolkaasi gaar ahaan deegaanno dhaca Galbeedka degmada Afmadoow halkaasi oo ay saakay la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

 

Deegaannada Jirmo iyo Sabaax oo ku yaala Galbeedka degmada Afmadoow oo ay horey u joogeen Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa waaberigii saakay waxaa dagaallo qayb ka ah howlgallada dalka lagaga saarayo kooxdaasi, waxa ay ciidamada Dowladdu ku soo qaadeen waddada isku xirta Diif iyo Afmadoow ee isla gobolkaasi.

 

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Dowlada ee saakay la wareegay deegaannada Jirmo iyo Sabaax oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in howlgalku uu weli socdo islamarkaana ay maleeshiyadii ku sugneyd deegaannada ay degaaladu ka dhaceen gaarsiiyeen qasaare nafeed sidoo kalena ay kala wareegeen gaadiid dagaal kaasi oo saacadaha soo socda tiradiisa la soo gudbin doonaan.

 

Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtiga dhow ee soo socda guud ahaanba dalka Soomaaliya laga saarayo Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayadoo dhanka kalena Xukuumadu ugu baaqday hay’adaha Samafalka inay gargaar la gaaran dadka ku dhaqan gobolada laga Xoreeyay Khawaarijta.

 

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlayay R/Muqdisho isaga ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ummada Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhamaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab la gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this