Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Taliska Milateriga oo sheegey 7-da subaxnimo ilaa 5-ta Galabnimo uu furan yahay wadooyinka Bakaaraha

Recommended Posts

Kadib kulan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Taliska MIlateriga iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ku aadan furitaanka wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha, oo bilihii la soo dhaafay uu xirnaa, kadib markii inta badan wadooyinkaas ay dagaalada saameeyeen.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Gen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan ayaa sheegay in rasmi ahaan uu furan yahay wadooyinka gala suuqa bakaaraha, gaar ahaan wadada Dabka ilaa Isgoyska Bakaaraha, isagoo xusay in in awaamiir kala duwan ka soo saareen qaabka isticmaalada wadadaas, si loo sugo buu yiri Ammaanka.

 

"Waxaan cadeyneynaa anigoo amar ka heysta Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga, in dhankeena uu Suuqa Bakaaraha ka furan yahay, waxaan idin ka codsanayaa Ganacsatadiina inaad kooxaha Jid iyo Jaha-diidka aad ka soo bisleysaan in dhankooda wadooyinka furaan"ayuu yiri C/kariin Dhega-Badan.

 

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in si ay uga hortagaan falalka is qarxinta iyo kuwa ammaan darada ay hada kadib sameynayaan inay wadooyinka dhigaan waxa uu ugu yeeray biyo hakiya Gaadiidka xowliga ku socda, si aanay u dhicin in goobaha Ciidamada la bartilmaameedsado.

 

"Hada kadib Suuqa wadooyinkiisa waxaa uu furan yahay 7-da Subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo, waxaan taas u yeelnay in aan ammaanka ku xaqiijino, si aanay u dhicin falalka is qarxinta iyo in weeraro la soo qaado, waana ka taxadireynaa"ayuu sii raaciyay Abaanduulaha Ciidamada.

 

Dhinaca kale C/llaahi Ugaas Aadan oo u hadlayay Ganacsatada Gobolka Banaaidr ayaa sheegay in dhankooda ay wadeen dadaalo kasta oo ay ku doonayeen in lagu furo wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha, isagoo sheegay in dhinacyada kala duwan ay la hadleen.

 

Inkastoo aanu xilligan furneyn wadada isku xirta Dabka iyo Isgoyska Bakaaraha oo ahaa goob dagaal, ayaa hadana saaka ilaa duhurnimadii maanta waxaa ka dhacayay dagaalo, waxaana wadada xilligan ay tahay mid bur bursan oo dhagxaan waa weyn, jawaano dhufeysyo ah ay yaalaan.

 

Sidoo kale dhanka Isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa ka qodan boholo waa weyn oo dhufeysyo ay ka sameysteen Xarakada Alshabaab, iyadoo Ganacsatada ay xilligan dadaal weyn ugu jiraan furida suuqa bakaaraha oo ah halbowlaha ganacsi ee Soomaaliya.

 

Hadalka ka soo yeeray dhinacyadan ayaa waxaa uu yahay war farxad u ah shacabka soomaaliyed oo ah kuwo nolol maalmeedkooda ku tiirsan, iyadoo suuqa ahaa mid ganacsigiisa uu isu furnaa, isla markaana Gobolada dalka oo dhan ay ku xirnaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this