Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: former Barre Hiiraale supporter killed

Recommended Posts

Maxaa kajira in Xareed Cali Dur-Dur Kismaayo lagu dilay kadibna Meydkiisa lagubay?!!.

Print here| By: allgedo.com: Thursday, April 14, 2011 // u Jawaab

 

Related ArticlesSaacadihii lasoo dhaafay waxay warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha baahinayeen war sheegaya in magaalada Kismaayo lagu dilay siyaasi katirsanaa maamulkii Dooxada Jubba ee Barre Hiiraale madaxda ka ahaa.

 

Kadib markii wararkaasi ay isisoo tareen ayaan Xariiro la sameynay Ehelkii uu ka dhashay Marxuum Xareed Cali oo Durdur ku magac dheeraa waxayna noo xaqiijiyeen in Xareed ladilay.

 

Meydkiisa ayaa saaka abaara saacadu markii ay ku beegneed 10:39 daqiiqo lagu arkay meel Shan boqol oo talaab u jirta Cisbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo, siyaasiga ladilay waxaa oogadiisa ku yiil 2 xabadood oo midi madaxa uga tiil midna dhanka dhabarka.

 

 

 

Warar ay qaar katirsan Website-yada qoreen oo sheegayay in meydka Xareed lagubay ayaa noqday been laga bad badiyay waxaana noola xaqiijiyay in Meydka Marxuumka uusan wax dhib ah qabin marka laga reebo iyo rasaas lagu sharnaqay.

 

 

 

Ehelada ayaan wax ka weydiinay sababta loo dilay wayna ka gaabsadeen sababa dhanka amaanka ah, Xareed Cali Durdur waxaa laxaqiijiyay in ay dileen ciidamada maamulka Al Shabaab ee Kismaayo maamula.

 

 

 

AOL ayaa loo xaqiijiyay in soo xiridda Xareed ay dilkiisa mas’uul ka ahaayeen saraakiil Shabaab katirsan oo ay isku Jufa yihiin kuwaasi oo in mudda ah dabagal ku hayay markii dambana kiiskiisa ka dhigay mid khatar ah sidaasina ay mas’uuliyiinta maamulka Kismaayo go’aamiyeen in ladilo.

 

 

 

Siyaasigan ayaa la sheegay in uu in mudda ah kusoo jiray arrimaha siyaasadda balse weligiis kama qeyb qaadan dagaal marka laga reebo in uu dhanka dhaqaalaha u qaabilsanaa maamulkii Dooxada Jubba.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa horey u dishay siyaasiyiin uu kamid ahaa Afhayeenkii Jubbooyinka Cabdi Raxmaan Waldiire iyo Eng.Daa’uud balse dilka Waldiire ayaa ahaa mid shaacsan oo meel fagaare ah ka dhacay halka Eng.Daa’uud iyo Xareed qaab qarsoodi ah loo dilay lamana oga sirta ka dambeysa arrinkaasi

 

Allgedo News Media Network

allgedo@allgedo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this