Sign in to follow this  
Liqaye

Dagaal aan waxba la isula harin oo saakay ka dhacaya waqooyiga Muqdisho iyo Ciidamada Dowladda KMG a

Recommended Posts

Liqaye   

Waxaa saakay aroortii degaano ka tirsan xaafado kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho ka dahacay dagaal aan waxba la isku reeban oo foolkafool ahaa kaasoo la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay dhinacyadii dagaalamay ee Xarakada Al-shabaab iyo kua dawladda.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in saakay aroortii ay qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada dawladda kuwaasi oo ku kadiyay dagaalka maleeshiyada Shabaab ee ku sugnaa wasaaradii arimiha gudaha oo ay is laheysiiyeen milkiyadeeda.

 

Ciidamada dawladda ayaa la sheegay in ay si fudud ula wareegeen fadhiisimo iyio dhufeesyo ay Shabaabku ku lhaayeen degmooyinka Boondheere iyo Shibbis iyadoo rasaasta wiiftada ah la sheegay inay gaareysay xaafado ka baxsan goobaha ay dirirtu ka socotay.

 

Cutubyadii dawladda ee saakay weerarka qaaday ayaa lagu waramayaa in ay xiligan kaabiga ku hayaan meelo ku dhowdhow degaanbka Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo weli uu socdo dagaalka.

 

Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in ay jiraan qasaarooyin gaaray dadka rayidka ah iyo kooxihii dagaalamayay iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda qasaarahaasi inta uu gaarsiisanyahay balse wxii ku soo kordha dagaaldaasi iyo qasaaraha ka dhashay aan dib idinkugu soo gudbin doono.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Dagaalo Goos-Goos Ah Oo Muqdisho Ka Socda & Dawlada Oo Horumaro Ka Sheeganaysa Dagaalkaas...

 

Dagaalo goos goos ah oo ilaa saaka & maanta duhurnimadii ka socda magaalada muqdisho ayaa la sheegayaa inay geysanayaan qasaare dhimasho & dhaawacba leh oo kooxaha diriraya soo kala gaaraya,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo culus oo mar-marka qaarkood sii xoogeysanaya,waxaana dagaaladaasi u dhexeyaan dawlada oo tageero ciidan ka helaya Amisom & Xarakada Alshabaab.

 

Dagaalka oo saaka waberigii qarxay ayaa maanta barqadii dib u qarxay,waxaana dagaaladaasi ka socdaan qaybo ka mid ah degmada Boondheere oo meelo ka mid ay ka farisiimo ku leeyihiin Xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta dawlada & Amisom,waxaana dagaaladaasi yihiin kuwo marna xoogeysanaya marna qaboobaya.

 

Saraakiisha ciidamada dawlada kmg ah hogaaminaysa ee ka dagaalamaya degmada Boondheere ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegey inay ciidamadoodu horumaro la taaban karro ka sameyeen dagaalada Degmada Boondheere,waxaana ay sheegeen inay u gudbeen xaafado ay maamulayeen Xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta.

 

Saraakiisha ciidamada dawlada hogaaminaysaa waxay sheegeen inay Qabsadeen farisiimo cusub oo ay ka mid tahay Wasaaradii Arrimaha Gudaha ee dawladii Soomaaliya,waxaana ay sheegeen inay dagaaladu hadda socdaan isla markaasna ciidamadoodu gudaha u galeen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho oo ay maalmahan isku horfadhiyeen Xarakada Alshabaab.

 

Dagaalkan ayaa la sheegey in qasaare ka soo gaarey dad shacab ah,waxaana la sheegayaa inuu shacabkaasi ay ku dhaawacmeen qaarkood ku dhinteen madaafiic ku dhacdey meelo ka baxsan degaanada lagu dagaalamayo,waxaanse si dhab ah loo ogeyn qasaaraha shacabkaasi soo gaarey inkastoo la xaqiijiyey in qasaaruhu badan yahay dhinacyada dagaalamaya.

 

Waxaa dagaalkan maanta duhurnimadii dib uga qarxay degmada Boondheere si wada jir ah uga qayb qaadanaya ciidamada mileteriga & ciidamada loo yaqaano PS-ta oo kaashanaya kuwa Amisom,waxaana la sheegayaa inay ciidamadaasi gudaha u galeen xaafado cusub oo ay maamuli jireen Xarakada Alshabaab,waxaana dawladu dagaaladaas ka sheeganeysaa guulo la taaban karo.

 

Si kastey ahaataba waxaa dagaaladani yihiin kuwo goos goos ah oo dhinacyada dagaalamayaa isu adeegsanayaan hub culus,Mana jiraan wali wax wara oo ka soo baxay Xarakada Alshabaab ee dagaalada kula jirta ciidamada dawlada kmg ah & Amisom.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

 

Gedonet.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this