Sign in to follow this  
money

Kacaanka Bulshadda iyo Baraaruga Nabadda

Recommended Posts

money   

Faafinta Rasmiga – Oraahdii Bilowga

 

INAGOO AH, kooxo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku kulantay kacdoonka bulshadda iyo baraaruga

 

nabadda , waxaan idin ku eedeeyneeynaa: in aad, idinkoo ah dad iyo duul ka been sheegaya diinta

Islaamka ee naxariista iyo nabadda leh iyo dhalinyaradaad duufsateenba, magac urur ahaan la baxay

xarakadda Shabaab, ama dhaqdhqaaqa dhalinta, inaad ku kacdeen gaf iyo godob la galo tii ugu

guracsaneeyd.

 

Waxaad sheegateen inaad ku dagaaleeysaan magaca diinta islaamka iyo inaad dooneeysaan in dalka

lagu dhaqo shareecada islaamka, balse waxaad ku dhaqantiin wax diinta iyo shareecadda ka duwan kuna

ah xadgudub iyo xaqiraad. Waxaad geeysateen danbiyo kuwii ugu waaweeynaa oo hadii shareecada

lagu xukmiyo aad ku mudan laheeydeen ciqaab tii ugu cusleeyd. Waxaad baneeysateen waxaan Alle idiin

baneeyn, waxaad baabi’iseen dad, duunyo, daaq, dalag, dugaag iyo dal. Waxaad dooxateen dad aan

wax galabsan. Waxaad diideen nabad iyo wadahadal kuwo idin ka da’, caqli iyo cilmiba badan idiin soo

jeediyeen.

 

Waxaan idinku eedeeyneeynaa inaad sheegateen waxeeydan aheeyn. Runtii waxaad tihiin wax

magarato dhiigyacab ah oo u soo baxay ineey wax burburiyaan, naf bireeyaan, iyo ineey is biimeeyaan

oo bam qarxiyaan. Waxaad tihiin belaayo Soomaali loo soo diray. Ilaaha weyn ee abuuray cirarka iyo

dhulka iyo intii u dhaxeeysa ayaan waxaan ka barinaa inuu inagga kiin qabto.Waxaad geeysateen halaag

badan laakiin waqtigiinii waa gabo gabo. Waxaad ku danbeeyn doontii halaagaad geeysaneeysiin mid

ka daran. Waxba idin kama hari doonaan oo waad ku hooban doontiin dagaalkaad holciseen. Waxaad

ogaatiin in wax kasta oo kor aado hoos u soo laabtaan. Waxaad ogaataan in kibirka iyo laab la kaca

xilkas darada ah lagu jabo. Jabkiinu waa dhow yahay oo ma dheera, waana la idinka jaaseeyn doonaa

jariimadaad gasheeyn.

 

Dhalinyaradda Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka gudaha iyo dibadda ayaa ku dhawaaqaya kacdoon

bulsho weyn oo ku beegsan nabad iyo colaad joojin. Dhalinyaradan ayaa hadda ku howl jira baraarujinta

iyo is-abaabulka kacaanka bilowga nabad ka dhalata dhamaan dhulka soomaaliyeed.

 

Soomaali waa dad wada muslim ah, isku diin ah, isku isir iyo fir ah, isku af ah, isku dhaqan ah, isku

dhiig ah, isku deegaan ah, is dhalay, isu dhaxay, wada dhashay, wada dhaqma, wada hadla, isku tura, is

taakuleeya, hadba kooda tag daran taageera. Toosoo u tooso nabad oo doona nabad. Daayo iska daaya

dagaalka, diida oo diida kuwa idin duleeystee idin diliya.

 

Al-Shabaab, qabqable, siyaasi musuqmaasuq ah, oday qabyaaladeed iyo tubteey dalka iyo dadka ku

wadaan waa waxan na baday in Soomaaliya loo qiray dal iyo dad fashilmay oo dunida ilbaxa ah ka haray.

 

Dhalinta kacdoonka nabadda waa ka dhiidhiyeen duliga waxeeyna ku dhaarteen ineey soo celiyaan

nabad, kala danbeeyn, qaranimo iyo cisigii iyo karaamaddii dadka Soomaaliyeed.

 

Kacdoonku waa hadda, hayaanku waa aragti horumarsan, hiigsigu waa nabad.

 

Xaafiiska dhalinta kacdoonka bulshadda iyo baraaruga nabadda (office of People’s Revolution and Re-

Awakining for Peace)

Mogadishu. Nairobi. London. Minneapolis

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this