Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamo ka tirsan Dowlada oo maanta Xukuno lagu riday

Recommended Posts

Liqaye   

Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya u fariisatay dacwadda ilaa 4-askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda KMG oo loo haystay dambiyo kala duwan, waxaana Maxkamadda ay dhagaysatay dacwadda afartaasi dambiilayaal iyadoo markii dambe ay ku riday Xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsi.

 

Ugu horeyn ayay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday Dable Cali Max’ed Nuur oo 19-jir kana tirsanaa Ciidamada xooga dalka kaaasi oo lagu eedeeyay in uu fal dil ah u gaystay asakari kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda KMG, waxaana Xukunkaasi ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Max’ed Xuseen (Mungaab)

 

Axmed Max’ed Sahal oo isna ka tirsan guutada Hilaac ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kaasi oo isna lagu eedeeyay in uu fal dil ah u gaystay Askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda islamarkaana ay xukun dil ah ku riday.

 

Waxaa ay sidoo kale maxkamada xabsi labo Sano oo ciidan ah ay ku riday Dable Faarax Cumar Rooble oo lagu eedeeyay in uu lunsaday qori ay siisay dowladda KMG Soomaaliya, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in laga doonayo qorigii uu ka lunsaday dowladda KMG Somaaliya, iyadoo cafis loo fidiyay C/nuur oo la tilmaamay in lagu waayay wax dambi ah.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this