Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamada dalka Kenya oo u tallaabay dalka Soomaaliya si ay ula dagaallamaan xoogagga Xarraktaul

Recommended Posts

Liqaye   

Ciidamada dalka Kenya oo u tallaabay dalka Soomaaliya si ay ula dagaallamaan xoogagga Xarraktaul Shabaab

 

Khamiis, Maarso 224 2011 (HOL) – Ciidamada dalka Kenya ayaa la sheegay inay ka tallaabeen soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya ayna dagaal la galeen xoogagga Xarrakatul Shabaab oo ka talisa deegaanada ku yaala soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

 

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya ayaa u sheegay BBC-da in ciidamadooda ay ka qaybgaleen dagaalo ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya, ayna dileen 11-ruux oo ka mid ah dagaalyahanada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

Dowladda Kenya ayaa dhinaca tababarada ciidamada ka taageerta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, balse waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada Kenya dhinaca Soomaaliya u talaabaan si ay ula dagaallamaan Xarrakatul Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

 

Xarrakada Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay weerarro ku qaadayso dalka Kenya, balse ma jiro howlgal ay weli fulisay. Waxaana hanjabaaddaas kaddib ay soo dhoobtay ciidammo badan soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

 

Sannadkii hore ayay Xarrakatul Shabaab ka fulisay magaalada Kampala ee dalka Uganda laba qarax oo sababay dhimashada ugu yaraan 76-qof oo daawanayay ciyaartii ugu dambeysay koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Koonfur Afrika.

 

Weerarka ay qaadeen ciidamada dalka Kenya ayaa ka dhacay deegaanka Liboyo ee dhinaca Soomaaliya, waxaana fuliyay cutub ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ee tababarka milateriga qaba, sida lagu sheegay wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dagaallada ay kula jirto Xarrakatul Shabaab ka taageera 9,000 askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi, kuwaasoo ku shaqeeya magaca AMISOM. Iyadoo dowladdu ay maamusho qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan.

 

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this