Sign in to follow this  
Liqaye

Yeed:-Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka jira Gobolka Bakool

Recommended Posts

Liqaye   

Yeed(allpuntland)-Wararka ka imaanaya degaanada Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhaxeeysa ciidamada Dowladda ee gobolkaasi iyo Xarakada Al Shabaab ay ka taagan tahay degaano ka mid ah Gobolka Bakool.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ayaa la soo shegayaa in ay gobolkaasu qeybo ka mid ah ku soo qulqulayaan iyagoona aad u hubeeysan oo la sheegayo in ay ka imaanayaa dhanka Itoobiya.

 

Sidoo kale Ciidamada Al Shabaab ayaa iyana wada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay isugu diyaarinayaa weerar la sheegayo in ay ku soo wajahan yihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan.

 

Xiisadaani dagaal ee ka taagan gobolka Bakool ayaa waxa ay ka mid tahay dulaan qorsheeysan oo ka dhan ah Al Shabaab oo ay Dowladda KMG kawado gobolada dalka qaar iyo magaalada Muqdisho.

 

xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ciidamo xoogan oo taabacsan Xarakada Al Shabaab oo galabta kasoo dhaqaaqay magaaladda Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxay caawa fiidkii ay soo gaareen degmada Yeed ee gobolka Bakool.

 

Ciidamadaan oo aad u xoogan oo iskugu jira dhalinyaro iyo ciroole ayaa waxay caawa soo gaareen deegaanka Rabdhuure ee degmada Yeed ee gobolka Bakool, xilli ciidamo hubeysan oo iskugu jira Soomaali iyo Itoobiyaanay ay ku sugan yihiin deegaan aan ka fogeen Rabdhuure oo lagu magacaabo Balliga.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadani ay Rabdhuure u yimaadeen dagaalo xoogan oo ka dhan ah ciidamadda dowladda Soomaaliya, Ciidamadda Ahlu Sunnah iyo ciidamada Itoobiya oo ku sugan deegaanka Balliga ee degmada Yeed ee gobolka Bakool.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dadka ku dhaqan deegaanada Rabdhuure iyo Balliga ee degmada Yeed ee Gobolka Bakool ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan, dagaalo qaraar oo ka dhaca deegaanadaasi.

 

Dhinaca kale Shabakadda Dhacdo.com ayaa waxay khadka Teleefanka ay kula xiriirtay Maxamed Aw Nuur oo kamid ah wax-garadka ku dhaqan deegaanka Rabdhuure ee degmada Yeed ayaa wuxuu inoo xaqiijiyay in ciidamo xoogan oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ay soo gaareen Rabdhuure, isla-markaana wuxuu sheegay in saacad kasta ay fillan karayaan dagaalo xoogan, bacdamaa ay dhinacyada is-haaya ay isu yihiin buu yiri Dab iyo Baasiin.

 

Si kastaba ha-ahaatee Gobolada koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan dagaalo aan dhamaad laheyn, iyadoo ay burqanayaan dhiigga shacabka Somaliyeed, waxaana la-dhihi karaa dalka Soomaaliya waxaa ka jira dagaalo aan dhamaad laheyn.

 

 

Xaawa Kiin

Afgooye, Sh/Hoose

Dhacdo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this