Sign in to follow this  
Liqaye

Taliska ciidamada Midawga Africa ee AMISOM oo sheegay inay nabadda ku soo celinayaan

Recommended Posts

Liqaye   

Taliska ciidamada Midawga Africa ee Soomaaliya ku sugan ee AMISOM ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku dooayaan inay dib nabada ugu soo celiyaan goobo ay sheegeen inay kala wareegeen dagaalyahanada Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab eek u yaala magaalada Muqdisho.

 

Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ahna taliya ciidamada dawlada Burundi Cyprien Hakiza oo taleefoonka ugu waramay idaacadda dawlada Burundi ee magaalada Bujumbura ayaa sheegay in kastoo ay jiraan dagaalo ka dhaca magaaladda Muqdisho haddana ay wadaa qorshayaal ay ku doonayaan inay dib xasiloonida ugu soo celiyaan goobihii ay kala wareegeen Xarakadda Al-Shabab ee ay ka mid tahay agagaarka dhismaha wasaaradda gaashaandhiga eek u taala wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

 

Cyprien Hakiza waxaa uu sheegay inay goor dhaw diyaarinayaan goor dhaw ay dib u dajin u sameynayaan dadkii horey uga barakacay goobaha laga qabsaday Al-Shabab waxaana uu tilmaamay in haatan ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada KMGS ay gacanta ku hayaan inta badan magaalada Muqdisho.

 

“Inkastoo ay jiraan rasaas si teel teel noogu soo dhaxeysa oo ay dagaalyahanadaAl-Shabab nagu soo ridayaan haddana goor dhaw waan ka guulaysanaynaa nabada dib baan ugu soo celinaynaa deegaanad aanu hadda kala wareegnay dadka dib baan ugu soo celinaynaa” ayuu yuri jeneral Cyprien Hakiza oo ah taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ahna taliyaha ciidamada Burundi ee Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray inaysan jirin wax weeraro culus ah oo ay kala kulmaan Xarakadda MujaahidiintaAl-Shabab.

 

Taliyaha ayaa qiray in dagaaladii bishii February Muqdisho ka dhacay uu dhinacoodaqasaaro ka soo gaaray hase ahaatee ay uga muhiimsan tahay sida uu yiri dadaalka nabad raadinta Soomaaliya.

 

Dawlada Burundi oo ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan ayaa dhawr sheegtay inay sii wadayaan dagaalada ay ku difaacayaan dawlada KMGS oo xilligaan wajahaysa dagaalo ka dhan ah Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Amisom_Deeq_0.jpg

 

dayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayay isku afgarteen in la furo Suuqa Wayn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Iyadoo kulanka maanta ay yeesheen xubno ka tirsan Odayasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa maanta kulankooda waxaa ay kaga hadleen sidii loo furi lahaa wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe xirnaa.

 

Sidoo kale mid ka mid ah odayaashii maanta ka qeyb galay kulankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku afgarteen labada dhinac in la furo wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqisho, waxaana uu tilmaamay in aan jirin waqti cayiman oo lagu balamay in la furo wadooyinkasi.

 

Si kastaba aha ahaatee ma ahan marki ugu horeesay ee lage eedeeyo Ciidamada AMISOM inay ka dambeeyaan xernaashiyaha Wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha inkastoo arintaasi ay iska fogooyeen, waxaana Mudooyinkii dambe gabi ahaamba dagaalada ka dhacay Muqdisho ku xiramay wadooyinka gala Suuqaasi taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen ganacsatadii Suuqaasi iyo dhamaan shacabka kale.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this