Sign in to follow this  
Liqaye

Sheekh Bashiir: Ururka Al-Shabaab waa inuusan suuqa bakaaraha ka dhigin xarun ciidan

Recommended Posts

Liqaye   

Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay dagaalada Muqdisho, gaar ahaan xirnaanshaha

suuqa Bakaaraha mushkilada halka ay ka soo bilaabatay, dadaalkii ay u galeen in khilaafyada siyaasadeed ay xaliyaan iyo arrimo kale.

 

Waxa uu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad in xarakada Al-Shabaab looga baahan yahay inay la yimaadaan xikmo iyo axkaam la xariirta dhinaca dagaalada, waxa uuna ugu baaqay inay la yimaadaan dhimrinta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu ku booriyay dhinacyada

Dowladda iyo Al-Shabaab inay suuqa Bakaaraha u furaan dadka shacabka ah.

 

"Ururka Al-Shabaab waa inuusan suuqa bakaaraha ka dhigin xarun ciidan" ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay suuqa bakaaraha ka dhigteen xarun ciidan isla markaana gudaha iyo hareeraha suuqaasi ay ka ridaan madaafiicda iyagoo xarumo iyo baro

kontrol ka sameystay gudaha suuqa bakaaraha.

 

Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayay dadaalka hay'adiisu u gashay inay wadahadalo isku soo hor fariisiso Madaxweyne Shariif iyo ururka Al-Shabaab, hase yeeshee waxa uu sheegay in dhinaca Shabaab ay ka hor yimaadeen in

khilaafka lagu xaliyo qaab wadahadal.

 

Waxa uu sheegay Sheekh Bashiir in dhinaca ururka Al-Shabaab ay u sheegeen inay dagaal jihaad ah ku qaadayaan xukuumada Madaxweyne Shariif, isagoo sheegay in maanta dagaalkaasi laga dhaxlay inay shacab Soomaaliyeed ku dhammaadeen, isagoo tilmaamay in haddii ay Shabaabku

soo ridaan rasaas hal qofna ay disho loogu jawaabayo madaafiic dileysa boqolaal qof oo Soomaali ah.

 

"Dagaal la iska wado ma aha xal, dadka dhimanaya waa Soomaali, sidaa daraadeed qolyaha magaca diinta sheeganaya waa inaysan ka dagaalamin goobaha ay shacabku ku badan yihiin" ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in mushkilada Soomaaliya aanay dhammaan doonin ilaa iyo inta AlShabaab ay ku dhegan tahay fikirka hal adeygnimo ee aan xalka lahayn.

 

Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay guud ahaan dhinacyada ku loolamaya awooda dalka ayuu ugu baaqay inay sameeyaan goobo ka caagan hubka iyo dagaalada ay iskaga horjeedaan, isagoo sheegay in shacabku uu yahay midkii ay xukumi lahaayeen mustaqbalka.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this