Sign in to follow this  
Liqaye

Museveni: Miyaysan Soomaaliya ku nooleyn dad la mid ah kuwa Liibiya ee deggen Beghazi?

Recommended Posts

Liqaye   

Talaado, Maarso 22, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa maanta qoraal 18-bog ah ka soo saaray xaaladaha wadamada Libya iyo Soomaaliya, isagoo qoraalkiisa reer gal-beedka ku eedeeyay inay yihiin laba-wejiileyaal dantood kaliya ka shaqeeya, isla markaana doonaya inay boobaan shidaalka wadanka Libya.

 

"Miyaysan Soomaaliya ku nooleyn dad bini'aadam ah oo la mid ah kuwa reer Libya ee degan Beghazi? maxaa midowga Africa looga diiday codsigoodii ay sanado badan ku cel-celinayeen Qaramada Midoobay ee ahaa in Soomaaliya laga dhigo deegaan ka caagan duulimaadka "No-fly Zone", si dad badan oo Soomaali ah ay u helaaan ammaan iyo taxadir! Mise taa micnaheedu waxay tahay in Soomaaliya aysan laheyd Shidaal ay ilaaliyaan shirkado laga leeyahay wadamada reer-galbeedka" ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Museveni oo intaas raaciyay

 

"Waxay {Ree-Galbeedku} aad kululaayeen inay sharciga "Deegaan ka caagan duulimaadka" ee No-fly zone ku soo rogaan wadanka Libya, sababtoo ah waxay u ooman yihiin shidaalka Libya oo ay doonayaan inay boobaan - eeg sida ay iskaga indha tirayaan waxa ka socda wadanka Baharain iyo wadamada kale ee siyaasad ahaan taabacsan reer-galbeedka, kuwaas oo xaaladaha dadkoodu ku sugan yihiin ay ka daran yihiin Libya" ayuu Madaxweyne Museveni oo qoraalkan maanta shaaciyay.

 

Madaxweyne Museveni oo ku jira guddi odayaal ah oo ka kooban 5 xubnood oo Ururka Midowga Africa u magacaabay inay dhex-dhexaadin ka soo sameeyaan wadanka Libya ayaa cambaareeyay duqeymaha loogeystay guriga madaxweyne Col. Mucamar Al-qadaafi, isagoo sheegay inay qalad aheyn in la weeraro wadankaas.

 

Guddigan waxaa xubno ka ah madaxweynayaasha wadamada South Africa, Mauritania, Congo, Mali iyo Uganda.

 

Museveni ayaa saaxiib dhow la ahaa Qadaafi, maadaama uu hub iyo lacag siiyay sanadkii 1986 markii Museveni uu soo jamhadeynayay, inkastoo labada madaxweyne sanadihii ugu dambeeyay ay isku dhacsanaayee, maadaama Museveni uu diiyay in la socodsiiyo qorshihii ballaarnaa ee uu Qadaafi soo hindisay ee ahaa in la isku furo Xusuuda Qaaradda, la sameeyo hal Baasaboor, hal Bangi iyo hal lacag, isla markaana la dhiso "Unites States of Africa"

 

Dhinaca kale Museveni wuxuu eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweyne Qadaafi, isagoo ku eedeeyay inuu taageeri jiray ururada argagixisada ee inta badan hanjabaadaha ku haya wadamada reer-galbeedka iyo sidoo kale cadaadis uu ku sheegay in Qadaafi saari jiray wadamada yar-yar ee qaarada, si ay ololihiisa codka ugu deeqaan, iyadoo ay jirto diido baahsan.

 

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

fblue@hiiraan.com

Kampala, Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

LOOOOOL!! What an EPIC moron this Museveni guy is. There are no warplanes in Somalia targeting civilians, the only Somali Hawker still in the air is the one in downtown Hargeisa, and the only air-traffic in Somalia is done by the flourishing Somali airline companies. Walahi brothers & sisters lets rebuild the Somali Military fast so these type of dirty war profiteering dictators are purged from our country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this