Sign in to follow this  
Liqaye

Seddex Bilood gudahooda ayaa lagu soo afjarayaa khawaarijta Al Shabaab Ra'iisul Wasaare

Recommended Posts

Liqaye   

Muqdisho(Allpuntland)- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo oo wareeysi siiyey Idacada ku hadasha Afka Dowladda KMG ayaa sheegay in ay mudo Seddex Bil gudaheeda ku soo afjari doonaan dagaalada ay kula jiraan Dowladda KMG.

 

Ra'iisul Wsaaraaha ayaa sheegay in howgalada ay wadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay si habsami leh ku socdaan, waxa uuna sheegay in kooxaha dalka ku soo duulay ay dib ugu laaban doonaan dalalkii ay ka yimaadeen marka dagaalda looga adkaako.

 

"Seddex Bilood gudahooda ayaa lagu soo afjarayaa khawaarijta Al Shabaab howlgalka ka dhanka ah, ragaani dalka ku soo duulay oo qaswadayaalka ah dib ayey ugu laaban doonaa meelahii ay ka soo baxsadeen" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Faramaajo ayaa sheegay in kulankii Golaha Amaanka ee uu ka qeyb galay uu ka sheegay horumarka 100ka maalmood ay ku qabtay Xukuumada KMG.

 

Waxa uu sheegay in Golaha amaanka uu u sheegay in dhaqaalaha Dowladda KMG soo gala uu saro u kacay ka dib markii masuq maasuqa lala dagaalamay islamarkaana dhamaan shaqaalaha hey'adaha Dowladda iyo ciidamada qalabka sida si toos ah mushaaraadkooda ay u qaataan, waxaa kale uu sheegay in markii ugu horeesay mudo 20 sano ka dib ah xukuumadiisa ay meel marisay miisaaniyad.

 

Waxaa kale uu sheegay in Golaha Amaanka uu u gudbiyey in horumarka dagaalada ay ka gaartay xukuumada Mudadad 100ka maalmood ah ee uu sheegay in degaano ka tirsan Muqdisho iyo Gobolada Koonfur Galbeed ay kula wareegeen.

 

Ra'iisul Wasaare farmaajo ayaa mudo 11 cisho ah waxa uu ka maqnaa dalka isagoona shalay ku soo laabta, waxa uuna tagay intii uu dalka ka maqnaa dalka mareeykanka ee uu uga soo qeyb galay shirkii Golaha Amaanka ee QM oo Soomaaliya looga hadlay iyo sidoo kale dalka Imaaraadka Carabta ee uu madax kula soo kulmay.

 

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Farmaajo “ 90 maalmood ayaan ku soo afjareynaa Shabaab”

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in mudo 90 maalmood gudahood ah ay ku soo afjarayaan dhibaatooyin uu tilmaamay in xarakada AL Shabaab ay ku hayaan dadka Soomaalida.

 

 

 

Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya oo u waramayay Idaacada ku hadasha afka dowlada ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in mudo sedax bilood ah oo u dhiganta 90 maalmood ay ku soo afjari doonaan xarakada Al Shabaab islamarkaana ay dalka oo dhan gacanta ku dhigi doonaan.

 

 

 

Farmaajo waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhamaan beesha Caalamku ay indha ku heyso dhibaatooyinka ka socda dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Shirkii dhawaan uu uga qeyb galay Soomaaliya ee ka dhacay New York la isku raacay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

 

 

 

Ra’iisul wasaare Farmaajo, waxa uu xusay in beesha Caalamku haatan ay isku raacday in Soomaaliya la keeno ciidamo kale oo dheeri ah si ay u caawiyaan ciidamada dowladda KMG oo haatan dagaalo ku wajahaya kuwa xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

 

 

 

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu dhinaca kale carabka ku dhuftay in wadamo badan uu cagta soo marayay islamarkaana uu uga warbixiyay guulaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay ciidamada dowladda KMG in ay sii wadaan howlgalka ay magaalada Muqdisho uga saarayaan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Hadalkaani ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG ee ku aadan in mudo 90 maalin gudahood ah ay ku soo afjarayaan Xarakada Al Shabaab ayaa imaanaya xili todobaadkii tagay ay dhamaatay mudo 100 maalin ah oo horay xukuumada KMG u sheegtay in ay wax uga qabaneyso amni darida ka jira Muqdisho, iyadoo walina natiijo buuxda aysan dowladu ka gaarin dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo horey u qabsatay muddo boqol cisho ah inay dalka uga saari doonto Xarakada Al Shabaab ayaa waxay markale qabsatay muddo ay sheegtay in Xarakada Al Shabaab ay uga saareyso gudaha dalka Soomaaliya.

 

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” oo maanta la-hadlay Radio Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya muddo seddex bilood ah, ay dalka uga saari doonto Xarakada Al Shabaab.

 

Farmaajo ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dhibaatooyin fara-badan ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay inaanan marnaba loo-dul qaadan doonin dhibaatadaasi, isagoo intaasi ku daray in muddo 90 cisho ah ay dalka uga saari doonaan Xarakada Al Shabaab.

 

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshayaal balaaran, isla-markaana wuuxu qeexay in caalamka uu diyaar u yahay in dalka Soomaaliya uu u soo diro ciidamo fara-badan oo ka socda dalalka Midowga Afrika, si buu yiri ay gacan u siiyaan ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ee iminka dalka ku sugan.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya, ciidamadda Amisom iyo Beesha Caalamkuba ay diyaar u yihiin in muddo seddex bilood ah ay dalka uga saaraan Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in Shabaab uu wado xasuuq guracan oo ka dhan shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, hadalka maanta kasoo yeeray Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”, hase yeeshee saacadaha soo socda ayaa waxaa dhici kareysa inay ka hadasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this