Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidamada Dowladda KMG ah oo dagaallo ay kula galeen Al-Shabaab gobolka Gedo ka qabsaday saldhig

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in jawiga tuulada Busaar oo ka tirsan degmadaasi uu degan yahay, kaddib markii shalay ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ay weerar ku qaadeen tuulada Busaar oo ay ku sugnaayeen ciidamada xarakada Al-Shabaab, hase yeeshee markii dambe ciidamada Dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta tuuladaasi.

 

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ciidamada xarakada Al-Shabaab ayaa dib uga gurtay tuulada Gusaar iyagoo isku urursanaya degaanno aan ka fogeyn tuuladaasi, iyadoo dagaalka ka dhacay tuuladaasina dhinaca Al-Shabaab uu ka soo gaaray qasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, hub, gaadiid iyo agab kale oo ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen.

 

Ciidamada Dowladda KMG ah ee iyagu ku sugan tuulada Gusaar oo ka mid ah tuulooyinka degmada Ceelwaaq ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin cutubyo ka tirsan ciidamo Dowladda KMG ah loogu tababarayay dalka Kenya, iyadoo wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ay sheegayaan in maalmaha soo socda la filayo inay xuduudka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ciidamada kale ee loo soo xiray tababaradii u socday.

 

Dhinaca kale dagaalada ka dhacay degmada Ceelwaaq ee ururka Al-Shabaab farahooda laga bixiyay saldhigii labaad ee ay ku lahaayeen degmadaasi, ayaa la sheegayaa in Shabaabka ay abaabulo ciidan ka bilaabeen gobolaa Bay iyo Bakool, iyadoo gudaha magaalada Baydhaba lagu arkayay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo dhaqdhaqaaqyo ka wada halkaasi, taasi oo dadka degaanka ay ka muujiyeen welwel iyo cabsi la xariirta in korkooda ay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya Shabaab iyo Dowladda KMG ah.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this