Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al-Shabaab oo maanta boob u geystay Hoygii Imaam Maxamuud Imaam Cumar ku laha Gobolka Sh/dhexe

Recommended Posts

Wararka naga soo gaaro degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ay maanta boobeen hoyga Imaamka Beelaha Mudulood uu ku yaalay Tuulada Cadaan-Gaabey oo ka tirsan Cadale.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxa la sheegay in gurigiisa laga qaatay wixi hanti ah oo taalay iyadoo la handaday caruurtiisa iyo qaar ka mid ah ehaldiisa oo ku sugnaa guriga, halka wararka qaar ay sheegayaan in laga watay halkaasi rag ku jiray guriga.

 

Sida ay wararka ay sheegayaan Shabaab waxay halkaasi ka qaateen matooro iyo 3 baabuur oo laba ay yihiin Cabdi Bile, iyo sidoo kale qoryo nooca loo yaqaan Ak47 iyo alaabo kale oo ay qoyska isticmaalayeen.

 

Imaam Maxamuud oo ah nin si weyn loogaga qadariyo koonfurta ayaa Jimcihi inkaaray Xarakada Al-Shabaab isaga oo ku baaqay in Dowladda KMG ay dalka ka saarto, isagoo ku eedeeyay inay dhibaato ku wado dalka iyo dadka Soomaaliyed.

 

Habaarka Imaamka ayaa Shabaab si weyn uga caroodeen, iyadoo taasi bedelkeed ay maanta dhashay inay wixii hanti ka boobaan Hoyga uu ku lahaa deegaanka Cadaan-gaabey ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this