Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Afhayeenka Al Shabab “Majirto cid burburin kareysa Xarakada Al Shabab, waayo xaq baanu ku taaganahay

Recommended Posts

Iyadoo dhawaan magaaladda New York ee dalka Maraykanka lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlaayay xaaladda murugsan ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa taasi si kulul uga hadashay Xarakada Al Shabaab.

 

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in shirkii looga hadlaayay xaaladda dalka Soomaaliya ee ka dhacday dalka Maraykanka, in looga hadlay sidii cagta lagu marin lahaa maamulka Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shirkii ka soconaayay magaaladda New York lagu go’aamiyay buu yiri in cagta lagu mariyo maamulka Xarakada Al Shabaab ee ka arrimiyo in ka badan toban gobol oo ku yaalla dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in ajandaha shirkaasi loo-soo askumay uu ahaa, sidii Xarakada Al Shabaab looga sifeen lahaa dalka Soomaaliya, hase ahaatee wuxuu si kulul uu u sheegay in’aysan jirin cid Xarakada Al Shabaab cagta marin kareysa, waayo buu yiri waxaanu ku taaganahay xaq.

 

“Shirkii dhawaan ka dhacay magaaladda New York waxaa lagu go’aamiyay in Shabaab lagu burburiyo, iyadoo loo-adeegsanaayo awood milatari, laakiin majirto cid Shabaab burburin kareysa” ayuu yiri afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”

 

Dhanka kale Sheekh Cali Dheere oo mar uu ka hadlaayay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in’ay gaajada u sabraan, isagoo intaasi ku daray in uu dhamaantood Alle bad baadin doono, isla-markaana wuxuu qeexay in’aysan marnaba u gacan hoorsan doonin beesha caalamka.

 

Hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere”, ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli dhawaan shir ka dhacay magaaladda New York ee cariga Maraykanka, leesku waafaqay in awood milatari dalka Soomaaliya looga saaro Xarakada Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this