Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dagaalo laga cabsi qabo in saacadaha soo socda ay qarxaan gobolka Jubada Dhexe “Warbixin culus”

Recommended Posts

Dagaalo xoogan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socday ay ka qarxaan magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe, kaasoo u dhaxeeya Xarakada Al Shabaab iyo dadka deegaanka.

 

Xarakada Al Shabaab iyo ganacsatada reer Bu’aale ayaa qalinka ku duugay in ganacsatada ay jari karaan dhirta laga sameeyo dhuxusha, taasoo ka dambeysay in’ay ka caroodaan dadka deegaanka, isla-markaana waxay dibada ula soo baxeyn hub fara-badan oo u qarsoonaa.

 

Dadka deegaanka ayaa hubka cul culus dibada ula soo baxay, waxaana magaaladda Bu’aale lagu arkaayaa kooxo ka madax banaan Xarakada Al Shabaab oo hubeysan, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa, in uu halkaasi ka qarxo dagaalo u dhaxeeya kooxdaasi iyo Xarakada Al Shabaab.

 

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa waxay kullan deg deg ah, ay la-yeesheen odayaasha deegaanka, oo ay uga hadlayaan xiisadda kusoo korortay magaaladda Bu’aale, hase ahaatee kullankaasi kuma uusan soo idlaan sidii ay dooneysay Xarakada Al Shabaab.

 

Sidoo kale dhalinyarada iyo odayaasha deegaanka ee magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa waxaa maanta magaaladda si weyn loogu arkaayaa, iyagoo ku hubeysan noocyada kala duwan ee hubka, isla-markaana waxay wacad ku mareen cidii jartaa dhirta magaaladda Bu’aale in’ay rasaas la-dhici doonaan.

 

Si kastaba ha-ahaatee xiisad aad u kacsan ayaa waxay maanta ka taagan magaaladda Bu’aale, isla-markaana dadka deegaanka ayaa waxay qabaan dareen cabsiyadeed oo ku aadan, in dagaalo xoogan ay ka qarxaan magaaladda Bu’aale, kaasoo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo maamulka Xarakada Al Shabaab ee magaaladda Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe.

 

http://www.dhacdo.com/news.php?readmore=3581

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this