Sign in to follow this  
Jacaylbaro

“Hadday Somaliland olosho, Djibouti-na Way Ololaysaa, Kursi Keliya Ayaanu Ku Wada Fadhinaa..” DJ Mi

Recommended Posts

“Hadday Somaliland olosho, Djibouti-na Way Ololaysaa, Kursi Keliya Ayaanu Ku Wada Fadhinaa..” Wasiirka Warfaafinta Djibouti

 

 

Djibouti(HWN)- Wasiirka Warfaafinta Djibouti Cali Cabdi Faarax, ayaa qaybtii labaad ee waraysiga aanu la yeelanay toddobaadkii hore kaga waramay arrimo la xidhiidha Heshiiskii Xukuumadda Somaliland ugu ogolaatay Shirkadda Somcable ruqsadda keenitaanka xadhiga is-gaadhsiinta ee badda hoosteeda mara ee Fabric Optic iyo arrimo kale.

 

Waraysigaas oo cadadkii Sabtidii ku soo baxay qaybtiisii koowaad waxa uu u dhacay sidan:

 

S: Sidaad ula socoto Somaliland waxay dhawaan u saxeexday Shirkadda Somcable heshiis u fasaxayay inay keenaan dalka xadhiga is-gaadhsiinta badda hoos-mara, isla markaana dad badan oo bulshada ka mid ah, ayaa aaminsan in Somaliland ay Sub-station u noqonayso Djibouti, isla markaana laga leeyahay halkan, markaa adigu sidaad u arkaysaa taas, waase halkee saldhigeedu?

 

J: Horta waxa fiican wuxu siday yihiin in loo sheego. Bahalkani waa Sub-marine Cable. Waa Cable isku xidhaya Bariga Afrika, magaciisana waxa la yidhaahdaa EASE (East African Sub-marine Cable). Koonfur Afrika ayuu ka imanayay, Soomaaliyuu soo marayay, Djibouti ayuu marayay, Kenya, Port Sudan ayuu aakhirka ku dhamaanayaa. Xeebaha baddaha oo dhan ayuu soo marayay oo uu isku xidhayay. Markaa dad baa lacagtooda bixinayay (Consortium), way ka boodeen Soomaaliya. Bad-weyntii ayuu bahalkii marayaa, markaa deked kasta waxay ugu talogaleen inay ku baxdo 14 kun oo milyan oo Doollar. Waxay yidhaahdeen Muqdisho waxa ka jirta amaan-darro……

 

S: Kaa Soomaaliya oo lagaga faa’idaysan lahaa Berbera ayay dadka qaar ku doodayaan in laga duudsiyay….

 

J: Kaa Soomaaliya….dee halkee la dhigi? Shan sannadood ka hor ayaabay ahayd arrintu, Soomaaliya waaba laga booday, lamana dhigi karayn Muqdisho…

 

S: Markaa ma waxaad leedahay, hadda taasi ma taalo?

 

J: Haa. Maadaama oo ay shan sannadood ka hor ahayd, lagamaba hadli karayn, markaanu ogaanayna mar hore ayaaba khadka la dhigay…..Dabadeedna qoladii rakibaysay ayaanu ku nidhi, ‘idinku maxaad Muqdisho uun u doonaysaan? Somaliland waa nabad. Berbera waa nabad, dee Berbera-ba maad dhigtaan?’ Markaa lacagtii Soomaaliya loogu talogalay oo 14 kun oo milyan ahaydna way hadhay. Markaa kolley dalba ka ku xiga ayuun buu u gudbinayay, anaga immika wuxuu nooga yimi Mombassa. Ta kale ee ka faa’iidada wayni waa xadhigan kale ee isku xidhaya qaaraddaha ee loo yaqaano (Trans-continental Cable). Kenya ma yaalo, balse Djibouti iyo South Africa ayuun buu yaalaa. Immika dalal badan ayaa Djibouti ka qaata Cable-kaas caalamiga ah oo Djibouti waa ‘Hub (Hoy)’….Laakiin tan la leeyahay Dibouti baan ka soo qaadanaynaa, anagaba dee Mombassa ayuun buu nooga yimi.

 

Immika Somalia waxay ka qaadanaysaa Somaliland. Anagu waxaabanu u haysanaa inaanu Somaliland u eexanay oo aanu wax u soo ridnay, waxaana waa la akhriyayaa. Immika Berbera, waa Somaliland baa ka iibinaysa Soomaaliyadii kale, illayn waxa muhiimka ahi waa Cable-kan la yidhaahdo Fiber Optic oo wax badan baa dee maraya. Dee markaa lacag bay ka helaysaa Somaliland, halkii ay ka soo iibsan lahayd Muqdisho. Ta kale yaan loo arkin inaanu anagu wax ka qaadnay Muqdisho, waayo, waaba laga soo dul-booday-ba. Berbera-na kumabay jirin, waana shan sannadood ka hor waxa Cable-ka la dhigay….Dee kuwa had-hadlaya, waan maqlaye, waxba may fahmin. Faysal Cali Waraabe wax Alla wax uu fahmay ma jirto, wuuse ka hadlaa uun. Qofku waa inuu fahmaa waxa u dan ah dalkiisa, laakiin mid aad u hoosaysa ayuu ka hadlayaa, anigu miidaankaa Faysal ma galayo.

 

S: Ugu dambayntii, Md. Wasiir maxaad farriin ahaan ugu gudbinaysaa dadka reer Somailand?

 

J: Horta marka ugu horaysa salaan walaalnimo ayaan u soo gudinayaa dadweynaha reer Somaliland. Dadka reer Somaliland wixii ay dawladu qaban lahayd, iyaga dadka ayaa qabta. Inkasta oo aanan tegin Hargeysa inka badan 26 sannadood, berigii hawayd ayaan tegay. Waxa iigu dambaysay iyadoo isguulkii hablaha (Shacab Girls) uu ugu shisheeyay, immikana badhtankii ayuu yahay. Markaa dadka ayaa dhisay, Somaliland-na waxay u samaysantay ummadda reer Somaliland ayaa aamintay, markaa aad baan u salaamayaa, halkiinaa ka wadaanan leeyahay. Sidaa u aaminsanaada dalkiina, khayr badana waan idiin rajaynayaa…

 

S: Wasiir aan raacsadee, waxa intaa ii dheer, waa tii uu CaliWaran-cadde Madaxweynaha Djibouti soo gaadhsiiyay laba libaax oo uu kaga abaal-marinayay soo-dhawayntii weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Djbouti, adigu taas sidaad u arkaysaa?

 

J: Waa, dee hadiyad tii ugu waynayd ayuu Cali Madaxweyne Ismaaciil siiyay. Dhinaceena waa boqorkii xayawaanka. Dad is-qadarinaya, dad wax isu quudhaya, dad wax isa-siiya ayuun baa Libaax isa-siiya…Libaax uun maahee, Libaaxyuu bixiyay.

 

Runtii way na taabatay, xidhiidhkeenuna maanta halka uu joogo ayay ka tarjumaysaa. Anagu reer Somaliland khayr uun baanu u haynaa, cid wax yeeli kartaana ma jirto….maadaama oo inay sidaa ahaato oo ay sidaa u jirtaa ay danatayadii tahay, waayo, haday Somaliland olosho, Djibouti-na way ololaysaa, kursi keliya ayaanu ku wada fadhinaa, markaa khayr baanu u rajaynaynaa….Haa cidna anagu uma maqlayno, cidna anaga wax nama gashan karto…waxaan maqlayay shir aqoonyahan ayaa dhacayay oo kuwo Somaliland si kale uga fikirayaa, anaga shaqadayada maaha. Dadka reer Somaliland iyagaa aayahooda ka tashan kara, qof shaqsiya oo dalkaba aan ku noolayn (Axmed Ismaaciil Samatar) oo meel ka dhawaaqay kama tarjumi karo..IGAD baa hore sidaa u tidhi, Somaliland dawladeeda iyo dadkeeda ayuun baa ka hadli kara, markaa ninkaasi (Axmed Ismaaciil Samatar) wuu iska hadlay uun.

 

 

 

Wargeyska Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this