Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Al shabaab oo la wareegtay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Recommended Posts

Xarakada Al Shabaab oo xusul duub ugu jirtay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxay maanta si toos ah ula wareegtay degmada Xarardheere ee gpbolka Mudug.

 

Ciidamo taabacsan Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysnaa qeybaha kala duwan ee hubka iyo gawaarida dagaalka ayaa waxay maanta la-wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa iminka ku sugan goobaha ugu muhiimsan degmada Xarardheere, waxaana la-arkaayaa gawaarida Xarakada Al Shabaab oo mararka qaarkood isku bad badalaaya goobaha ay ku kala sugan yihiin.

 

Qaar ka tirsan saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo dadka deegaanka la-hadlay ayaa waxay ugu baaqeen in’ay isdejiyaan, xaaladuna ay ka dhigaan mid degan, iyagoo intaasi ku daray inaysan u imaan in’ay caburiyaan dadka deegaanka.

 

Qaar ka tirsan ciidamaddii Xisbul Islaam ee horey ugu sugnaa degmada Xarardheere ayaa qaarkood waxa ay ku biireen Xarakada Al Shabaab, halka inta kalana ay iskaga baxeen degmada.

 

Talaabada ay Xarakada Al Shabaab maanta kula wareegtay degmada Xarardheere ayaa waxay kusoo aadeysaa, xilli uu Maamulka Goboleedka Galmudug States uu ku hanjabay haddii ay Xarakada Al Shabaab la-wareegto degmada Xarardheere, in’ay la dagaalami doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this