Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Shaqaldheer iyo shaqalgaab

Recommended Posts

Maadaama aan arkay shabakooyinka Soomaaliyeed oo maqaalo, qoraalo badan dad soo bandhigay. Badana maqaaladaan, awalba iska jaabo jaabo loo qoray, waxaa ugu sii darnaa dadka qaarkiis iska daaye inay wax la aqrin karo soo bandhigaan, waxeeba iska ilooween muhiimadii ay lahayd shaqaldheernimada iyo shaqalgaabnimada. Xataa heer waxaa la gaaray magacii "Soomaaliya" iyo "Soomaali" laga dhigo shaqalgaab, oo qoraalo warar ku qoran Afsoomaali ayaa arkeysaa iyagoo loo hingaadinaayo "Somalia" iyo "Somali." Wahsinimo, aqoondaro, dayacanimo iyo inay xushma la'aanta afkooda naxwadiis u degan iyo barashadiis ka tahayba ma'ogi.

 

Maxee muhiim ama laga maarmaan u tahay shaqaldheernimada iyo shaqalgaabnimada. Inta aan u guda galin aan isweydiino horta maxaa laga wadaa ama loola jeedaa labadaan erey.

 

Maxee yihiin shaqaldheer iyo shaqalgaab?

 

Shaqaldheer haddaan afka qalaad ku dhahno waa "long vowel," kan gaabna waa "short vowel." Afsoomaaliga waa ku muhiimsanyihiin, maadaama afkeena hodanka ka buuxaan ereyo isku dhigmo, oo haddii shaqaldheer iyo shaqalgaab jiri lahayn lagu wareeri lahaa qoraal markee noqoto.

 

Tusaalooyinka: Gaal [camel, unbeliever] iyo gal [enter], sar [building] iyo saar [traditional play], fal [doing] iyo faal [astrology], mar [pass] iyo maar [bronze, copper], dur [inject, pierce] iyo duur [wild, jungle], bur [flour] iyo buur [mountain, hill] iyo kuwa boqolaalkale fara badan.

 

Marka saas ayee muhiimad ugu leedahay maadaama hal shaqal oo yar haddii ereyga laga badalo micno weyn kale oo ka gedisan yeelanaayo.

 

Duruuf kale ayaa jiro oo aanan dad badan la socon, taas oo ah in shaqaldheernimada kaliya tahay laba xaraf oo shaqal [vowel] kaliya ah israacaan; Shaqaldheer ma noqon karo sadex xaraf ama ka badan oo shaqal ah israacaan, sida Bu'aale ama la'aan. Markee sadex xaraf saas camal iskugu toosaan ereyga, waxaa loo dhaxeysiyaa hamsa [apostrophe oo ah (')].

 

Qofkii su'aal qabo ama wax iga saxaayo, soo dhawaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this