Sign in to follow this  
Laba-X

Geel

Recommended Posts

Laba-X   

370034296_514bd65ebf.jpg

 

Allow yaa bur kuu duba

Oo bafta kuu garaa xira

Oo aan baali kuu rarin

 

370035543_c4f9fde35b.jpg

 

Sacabbada nadiifka ah kolkii, lagu salaaxaayo

Samsam baa ka soo duula iyo, caano saa'id ahe

Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha

Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh

 

Sar iyo hilib sareediyo baruur, subag la xuukeeyo

So' la kariyo saaf kuu dhigmiyo, solay middaad saarto

Sagandaaqa naaxiyo kolkaad, qalato siiggeeda

Sagal reer ku filan iyo martida, socotadeediiye

 

Saymaha colaadeed haddii, sumucu qiiqaayo

Safayn laysu qaatiyo dagaal, si xille loo dhaartay

Saylaanka dhiiggiyo birtoo, la isku saafaayo

Sulux iyo heshiis baa iyada, lagu sameeyaaye

Si kastoo laguu dilay hortii, waad ku samirtaaye

 

Subeeciga ilaashiyo nin lihi, seexan kari waaye

Subac iyo quraan lagu akhriyo, sabadka ay daaqdo

Sakadoo laga baxshiyo sadaqaday, Suub ku tarantaaye

Sulbi lacaga suuf iyo xariir, suuq la kala iibsho

Sarahaa ka door roon guryaha, saqafka dhaadheer

Sawaariiqda duushiyo sancada, socota mooyaane

Lama siisan karo xoolo kale, sidigta Dhaameele

Waxba yaan surweel midab leh iyo, saacad lay xirane

Sicirka dunida geeleenu waa, ugu sarreeyaaye

Soomaaligii diidayow, waad silloon tahaye!

 

Amaan geel, C C Afyare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this