Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Toddobaadka Afka Hooyo

Recommended Posts

A Shirweynihii Saddexaad ee Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen) ayaa ka furmay Aqalka Ummadda ee magaalada Jabuuti 26ki Febraayo 2006-da.

 

Shirweynahani wuxuu ku soo beegmay si weyna u bilay Kulan-wene lagu magacaabay Toddobaadka Afka Hooyo, kaas ku aaddanaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, 21/2. Kulan-weynahaas waxaa furay, khudbad dareen hilow dhaqan xanbaarsanna ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo daryeelka iyo horumarinta afka hooyo oo uu ku tilmaamay halbowlaha nolosha iyo miftaaxa horumarka ummad kasta. Gabagabadii toddobaadkana madaxweynuhu wuxuu Naadiga PEN guddoosiinyey billad sharafta Dhaqanka, taas oo Naadiga PEN looga abaal-marinayo kaalinta firfircoon ee uu kaga jiro daryeelka afka hooyo, horumarinta suugaanta iyo faafinta aqoonta guud.; maamuuskaas oo aanu madaxweynaha uga celinayno mahad aad u ballaadhan. Isla billad-sharaftaas Dhaqanka wuxuu Madaxweynuhu ku maamuusay abwaanno iyo qorayaal ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Maxamed Daahir Afrax, Aw Jaamac Cumar Ciise, Maxamuud Dirir Geeddi iyo Gamaludin Redo.

 

Naadiga PEN waxaa sharaf weyn u ah in ay xaggiisa ka timid fikradda qabanqaabinta kulanweynaha Toddobaadka lagu maamuusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, taas oo hindiseheeda lagu qeexay qoraal uu diyaariyey Guddoomiyaha Naadigu. Hirgalinta Toddobaadkana waxaa hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhaqanka iyo Warfaafinta Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana gacan ka geystey haya'do iyo shirkado ay ka mid yihiin Djibouti Telecom, Idaacadda iyo Televisionka Jabuuti, Daalo Shirkadda Daalo iyo haya'dda UNESCO; xubnaha PE-na safka hore ayay kaga jireen dadkii u guntaday fulinta barnaamijka.

 

Shirweynaha Saddexaad ee Naadiga PEN waxaa ka soo qayb galay xubnihiisa Jabuuti ku sugan iyo ergooyin ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Soomaaliya, Itoobiya, Sweden, iyo Dalka Ingiriiska.

 

Waxaa iyana xusid mudan xafladdii lagu maamuusayey gunaanadka shirweynahan inay ka soo qayb galeen Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Itoobiya, Mudane Maxamuud Dirir iyo Agaasime Goboleedka 'UNESCO' ee Bariga Afrika, Mudane Awad El-Hassan..

 

Shirweynaha waxaa hawshiisa la guda galay 26/02/2006, iyadoo lagu bilaabay duco iyo tacsi lagu xasuusanayey xubnihii bahdan 'PEN' iyo suugaanta Soomaaliyeedba qiimaha weyn u lahaa ee dhawaan ka geeriyooday oo ay ka mid ahaayeen Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Ibrahim Suleymaan Gadhle, Ilyaas Xasan, Maka Shirdoon iyo Aden Nuur Maxamed.

 

Intaa ka dib waxaa la soo bandhigay lana ansixiyey Ajeendaha Shirweynaha, kaas oo ka koobnaa qodobbada hoos ku taxan:

 

1. Furitaan & Daqiiqad la xasuusto xubno geeriyooday: Yamyam, Ibrahim Gadhle iyo Adan Nuur

2. Ansixin ajendaha

3. Erayga Odayada Naadiga - Hadraawi

4. War-murtiyeedkii Shirweynihii hore - Riiraash

5. Warbixinta Guddoomiyaha

6. Warbixinaha Laamaha:

a) Laanta Djibouti

b) " K/Soomaaliya

c) " Sweden

d) " UK

6. Su'aalo iyo ka-faallootan warbixinihii la dhegeystay,

7. Warbixinta khasnajiga,

6. Dib-u-qiimayn dhismaha Laamaha, Guddiyada iyo hab-socodka hawlaha

Naadiga,

7. Qiimayn fulinta qorshe-hawleedkii hore,

8. Amba-qaadka Qorshaha 2da sanee soo socota,

9. Go'aannada shirweynaha,

10. War-murtiyeed,

11. Doorashada Odayada Naadiga,

12. Doorashada Guddiga Fulinta

 

Furitaanka Shirweynaha waxa ereygii ugu horreeyay halkaa ka soo jeediyay abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku hadlayey magaca Odayada Naadiga.

_________________

 

Faahfaahin dheeraad ah sii aqriso.

 

slogan.jpg

 

hadraawi.jpg

 

Aad ayaan ugu faraxsanahay hadee dowlada Jabuuti ugu dambeyntii fahantay muhiimada ee leedahay qowmiyad walba afkooda hooyo. Taloow iskoolada in lagu dhigo ma bilaabi doonaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this