General Duke Posted January 3, 2007 Nairobi: Dawladda Kenya oo sheegtay inaan qaxootinimo laga aqbalayn 10 nin oo ay qabatay sababtoo ah... Arboco, January 03, 2007 Nairobi(AllPuntland)- Markii midowga maxkamadaha laga saaray magaalada Kismaayo oo ah halkii ugu danbaysay ee ay haysteen ayaa waxaa maxkamadaha iyo ajnabi la sheegay inay u dagaallameeynba ay u baxsadeen xudduudda dalka Kenya. War kasoo baxay waaxda xudduudaha dalka Kenya ayaa sheegtay in 10ka nin ee ay gacanta ku dhigeen ay sheegteen inay rabaan inay qaxootinimo u galaan Kenya, hase ahaatee dawladda Kenya ay diidday inay qaxooti ahaan u diiwan galiso kadib markii lagu arkay lacago aad u fara badan oo ay boorsooyin ku wateen. Kenya ayaa shaki wayn ka qabta in raggaasi ay yihiin masuuliyiinta maxkamadaha u qaabilsanayd dhinaca dhaqaalaha, ayadoo baaritaan lagu wado lacagaha ay boorsooyinka ku wateen. Masuul kale oo u hadlay dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in raggan xabsiga Kenya lagu sii hayn doono tan iyo inta maxakamad Soomaaliyeed la mariyo. Laba nin oo watay baasaboorka dalka Canada ayaa kamid ahaa ragga la hayo, ayadoo dawladda Canada ay sheegtay in rag haysta dhalashada Canada oo dhowr ah ay wali la'adahay inay Soomaaliya joogan iyo inkale. Dhinaca kale dawladda Itoobiya ayaa si kama ah u duqaysay xudduudda Kenya , ayadoo lasheegayo in wax waxyeello ah aysan duqayntaasi gaysan. Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa wali shir kula jira dalka Kenya masuuliyiinta sar sare ee Kenya, arimaha la isla soo qaadayna waxaa kamid ah xaaladaha ugu danbeyay ee dalka . CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites