Sign in to follow this  
guraad

Sannad guuradii 1 aad ee markii Riyaale Kaahin laga saaray Laascaanood .

Recommended Posts

guraad   

Sunday, December 07, 2003 at 19:33

 

Laascaanood : Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin xooga lagaga saaray Magaalada Laascaanood oo maanta si weyn looga xusay magaalada Laascaanood.

 

Waxaa maanta magaalada Laascaanood si weyn looga xusay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Hogaanka Maamulka la magac baxay Somaliland Riyaale Kaahin Xooga lagaga saaray maagalada Laascaanood ka dib markii uu ku yimi booqasho aanay dadweynaha deegaanku raali ka ahayn.

 

Dhacdadan oo ku beegnayd 7-12 ayaa waxa maanta magaalada laascaanood ka dhacday xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii lagu qaaday Riyaale iyo ciidankiisa kuwaas oo ahaa afar mujaahid oo iyagu ku geeriyooday goobtii, waxa kale oo iyaguna halkaasi ku dhaawacmay sadex kale.

 

 

 

Dadweyne aad u tiro badan iyo gawaadhi gaadhaysa tobonaan ayaa saaka aroornnimadii isugu soo baxay wadad weyn ee dhexmarta badhtamah magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ka muuqatay astaanta qaranka soomaaliyeed , waxayna lulayeen calamada iyo caleemo qoyan.

 

Dadweynaha halkaasi isugu soo baxay waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnnimada Soomaaliyeed, waxayna halkaa uga duceeeyeen mujaahidiintii ku geeriyooday hawlgalkii Riyaale lagaga saaray magaalada Laascaanood.

 

Iyaga oo gawaadhidii saaran ayey waxa ay dadweynahaasi soo booqdeen gurigii laga saaray Riyaale iyo waftigii uu watay ee sida lama filaanka ah ku yimi magaalada Laascaanood 7-12-2002, waxaana halkaa haddalo qiiro leh ka jeediyey indheergaradka gobolka iyo odayaal, waxayna halkaa ka cadeeyeen sida ay ugu dadaalayaan in ay iyagu noqdaan hormoodka midnnimada Ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Waxayna intaa ku dareen in maanta dareenkoodu aad u fiican yahay maadaama ay bulshadani ku guulaysatay in ay ka hortagaan aragtida qaldan ee uu Riyaale iyo kuwa la afkaarta ahi doonayeen in ay bulshadan ku soo jiitaan, waxayna intaasi raaciyeen in ay Riyaale la socdeen wufuud Reer galbeed ah oo doonayey in ay ogaadaan dareenka dadka deegaani halka uu la jiro, ogaadayna in ay dadkani yihiin bulsho ay ka go'antahay midnnimada Ummadda Soomaaliyeed una heelan in ay naf iyo maalba u huraan.

 

Oday isagu fagaaraha gurigii Riyaale laga Caydhsay ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in maanta wadadii uu Riyaale maray maalintii uu cararyey loo yaqaane Riyaale ku carar oo ay maanta caan ku tahay magacaasi,kuna taalo koonfurta magaalada Laascaanood, wuxuuna intaasi ku daray in ay nimankii caddaanka ahaa ee al socday ******** dareenka dadka deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Xafladii halkaasi ka dhacday waxaa lagu soo gabagabeeyey duco loo ducaynaayo mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii Riyaale lagaga saaray magaalada Laascaanood, waxayna dadweynuhu balan qaadeen in aanay marnnaba ilaawi doonin mujaahidiintaas, ubadkii ay ka tageena loo baahan yahay in la daryeelo.

 

7-12-2002 ayaa Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha maamulka iskii isu magacaabay iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxa ay soo gaadheen magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood,waftiga Riyaale oo aan magaalada ku sugnayn laba Saacadood ayaa waxa gurigii uu ku jiray weerar lama filaan ah ku soo qaaday dadweyne ka caraysan imaanshihiisa iyadoo dadweynihii ay rasaas ugu jawaabeen ciidankii uu watay taasi oo ay markaas soo galeen arinta cutubyo ka tirsan xooga maamul Goboleedka Puntland , halkaas oo ay ku kala tuureen qorshayaashii uu watay Maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland.

 

Wuxuuna Riyaale Kaahin u cararay dhinac koofureed ee magaalada Laascaanood, isaga uu sii jibaaxay Dhulka Hawdka ah ,waxaana la waayey Riyaale meel uu jaan iyo cidhib dhigay muddo gaadhaysa shan saacadood.

 

Arrinta ayaa waxa ay dhibaato balaadhan u soo jiiday maamulka lamagacbaxay Soomaaliland oo aan ilaa iyo maalintaa lagu arag iyaga oo wax dhaqdhaqaaq ah ka fulinaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, ilaa iyo xilligana aan wax muuqda ka joogin.

 

 

Assad Cadaani Ibraahim

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this