Sign in to follow this  
Juje

Sirta iyo sababta tanaasulka Sheekh Yuusuf Indha Cadde ( Xisbul Islam)

Recommended Posts

Juje   

Sirta iyo sababta tanaasulka Sheekh Yuusuf Indha Cadde

Xisbul%20Islaam3.jpg

 

Tan iyo markii uu bilowday cadaadis Sheekh Yuusuf Indha Cadde ay beeshiisa ku saareysay inuu u hogaansamo talada beesha, isla markaana uu qaato dadaalada nabada ayaa waxaa mar kaliya is bedelay mowqifkiisii, isagoona si weyn uga soo horjeestay dagaaladii ay qaaday Ururka Xisbul Islaam, kaasoo sabab u ahaa in Ururka todobaadyo kadib inuu labo garab u kala jabay.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa dagaaladaas ku tilmaamay mid uusan ku lug laheyn, waxaana uu dharaar cad ka dhaqaaqay xilka Taliyenimada ururka Xisbul Islaam oo uu sheegay inuu iska casilay.

Generaal Indha Cadde ayaa si hoose hormuud ugu ahaa garab ka tirsan Xisbul Islaam oo ku kala qeybsamay dagaaladii labadii maalmood ee bishii Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo xilligaas ka dambeeyay uu maleegayay qorshayaal ka dhan ah xilka uu haayay Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ah nin ay aad isugu dhow yihiin Sheekh Xasan Dahir Aweys oo lagu tilmaamay inuu lahaa maskaxdii ka dambeysay aas aaska Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ee haatan firqooyinka noqday.

Indha Cadde oo aad moodo inuu u tusaalay rabitaanka Beeshiisa kadib markii uu kulan dhex maray ayaa la soo baxay is bedelo aan horay looga baran, maadaama lagu yaqaan inuu yahay nin is bed-bedel badan, waxaana uu u hogaansamay awaamir ka soo baxday Beeshiisa oo ay ugu weyneyd in aan laga duulaan qaadin meelaha ay ku badan tahay beeshiisa oo ah dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Tanaasulka uu la yimid Mr Indha Cadde ayaa noqday mid sii dedejisay in maanta xilkii laga qaado ninkii usha u hayay Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ah sheekh cilmiga ka gaaray meel sare, balse siyaasadu ay laba afleysiisay.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa la rumeysan yahay inuu lahaa fikrada xilka looga qaaday Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo kal hore ay isku khilaadeen dagaaladii Muqdisho, isla markaana maanta xilka qaadistiisa u cuskaday arrimo badan oo dhagaha shacabka soo jiidanaya.

Mr Indha cadde ayaa hadal gaaban ka jeediyay shirkii maanta xilka looga qaaday dhamaan Mas'uuliyiintii Xisbul Islaam oo ka dhacay Warshadii Baastada, isagoona sheegay inuu taageersan yahay baaqii Culumada.

Sheekh Maxaned Xasan Axmed Camey oo ah Gudoomiyaha Xisbul Islaam iyo Afhayeenka Sheekh Daa'uud Maxamed Abtidoon, waxay labaduba bedeleen Labadii nin ee xilkaas hayay sida Dr. Cumar Iimaan iyo Afhayeenkii kale Sheekh Muuse Cabdi Caraale, waxaana la ogeyn sida labadan nin ay ku aqbali karaan xilka qaadistooda.

Dadka odorasa Siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in Isbaheysiga Xisbul Islaam uu si rasmi ah labo garab ugu kala jabay, iyadoona ay aheyd wax caado u ah siyaasada Soomaaliya, marka koox ay midowdo ay koox kale ay ka hortimaado, sidaas labo garab loo kala baxo, marka fikrad la isku diido, laakiin tani ay siyaasada soomaaliya mugdi ka sii galeyso, marka loo eego maslaxada umada oo aanay jirin cid u tanaasusha.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

 

Indhacaade is making headways towards the government - dont be suprised if he is made a Minister without a Portofolio.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Juje,

 

You completely missed the crucial point in the article and turned the issue into taking part of the foreign-created government and receiving a post.

 

Tan iyo markii uu bilowday cadaadis Sheekh Yuusuf Indha Cadde ay beeshiisa ku saareysay inuu u
hogaansamo talada beesha
, isla markaana uu
qaato dadaalada nabada
ayaa waxaa mar kaliya is bedelay mowqifkiisii,

 

waxaana uu u hogaansamay awaamir ka soo baxday Beeshiisa oo ay ugu weyneyd in aan laga
duulaan qaadin meelaha ay ku badan tahay beeshiisa
oo ah dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Thats the crucial part sxb.

 

The subclan of Indha Adde has made a wise decision to not ruin their people and resources in defending religious warlord's campaign to gain political power.

 

They have decided to live in peace, and more importantly to not allow ANY FACTION to use the neighbourhoods where they live as launching points of their offensives.

 

That is the most important part in your article, the subclan decided to live in peace and gave its members an ultimatum: either get behind the wish of the subclan or you will end up as a dead man with no subclan.

 

 

Aweys will have to make a decision too: either get behind the wish of your subclan or go ahead and wage your war as one man on his own.

 

His struggle will come to an end:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Meiji:

The subclan of Indha Adde has made a wise decision to not ruin their people and resources in defending religious warlord's campaign to gain political power.

That is exactly what they have been doing sxb beyond any doubt. It seems they have now steered from that strategy and following as you state :

They have decided to live in peace, and more importantly to not allow ANY FACTION to use the neighbourhoods where they live as launching points of their offensives.

And I could not agree with them more. Though we have to wait and see whether it is at least 'near' unanimous .

As for Indhacaade I fully agree with Duke and should be made important leader or decider where the 'beel' should go politically. Am sure there are many who have more caliber and able within who can take that role.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this