Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Kumuu Noqondoonaaa

Recommended Posts

Isla shalay waxaa si toos ah u furmey kalfadhigii 21aad, ee Golaha Wakiilada Puntland, shaqooyinka ugu horeeya ee horyaala Golaha Wakiilada ayaa ah

 

- Doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

 

- Doorashada kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada

 

- Doorashada Madaxweynaha Puntland

 

- Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

 

Jagooyinka u waaweyn ee Dawladda Puntland waxaa lagu qaybsaday asaaskii Puntland 1998-dii, inkasta oo sharcigaas meesha laga saarey qofwalbana uu xaq u lee yahay in uu qabto jago kasta, haddaba doorashada sanadkan xiiso gaar ah ayey leedahay, waxaana durba adkaatey in la helo qofkii isu soo sharixi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka sababtu waa maxay?

 

Gobolka Sanaag& hayland

 

Sida laga warqabo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa alaaba laga soo dooran jirey Xildhibaanada ka soo gala Gobolka Sanaag, kadib shirar hoose oo ay yeesheen waxaa la isku balansadey in qof reer Sanaag ah aanu isu soo taagin Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, taas oo ay balan qaadeen xildhibaanadu, sababtu maxay tahay?

 

Waxaa tartan culus ku jira Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkojiir) oo ah musharax miisaan culus leh rajo weyna laga muujiyey in uu hanto Jagada Madaxweynaha Puntland, sidaas darteed ay adagtahay haddii Xildhibaan reer Sanaag ah uu ku soo baxo Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland in odaygu gaaro hankiisa.

 

ilko jiir

 

dadka sida qaaska ah uqayaan general c/laahi axmed jaamac ayaa shegay in uu yahay nin siyaasi somali iskugu mid tahay ah oo dhamaan dalka somalia hanankara hadii uu helo jagada madaxweynaha puntland

 

isla markaana kudarsaday intaas geesinimo iyo hibooyin kale oo ilaaahay siiyey,

 

siyaasiyiinta dowald goboledka puntland oo ilko jiir ay soowada shaqayn jireen berisamaadkii ayaa sheegay in uu ahaa nin kashaqeeya midnimada iyo danta umada somaliyeed

 

Sool & cayn

 

Mid taas lamid ah waxaa sameeyey xildhibaanada Gobolka Sool iyo Cayn, inkasta oo Madaxweyne kuxigeenka hadda, Mudane Xassan Daahir Maxamuud uu yahay Musharax ku baratamaaya Booska uu hayo haddana waxaa jira Musharixiin reer Sool iyo Cayn ah oo tartan adag ugu jira jagada Madaxweynaha, hadiise xildhibaan ka soo galay Sool iyo Cayn u qabto Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa meesha ka baxaya, hamiga Mudane Xassan Daahir Afqurac, iyo Musharixiinta u taagan Madaxweynaha ee uu ugu horeeyo Dr.Saleebaan Axmed Ciise, taas ayaana ka liftey in sanadka tooshka la saaro Madaxweynaha!.

 

Ex-Waqooyi Bari

 

Inkasta oo xildhibaanada ka soo gala Goboladii horey la isugu oran jirey Waqooyi Bari aysan jirin cid is balansatey, laakiin arin xiiso leh ayaa dhexdooda ka jirta, waxaa durba soo baxaya guux ah in Beesha Axmed *****(Dishiishe) sanadka qabato Booska sadexaad ee Dawladda Puntland, inkasta oo uu jiro musharax miisaan culus leh Siciid Maxamed Raage haddana ma jirto balan iyo wacad lala galay xildhibaanada reer Bosaso, ee ay Musharax Siciid M.Rage isku raaska yihiin.

 

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa maalinta beri halkiisi ka sii socon doona waxaana ilaa iminka la ogeyn sida ay arintaasi isu badalayso iyo in wacadka lala galay xildhibaanadu ay ka bixi doonaan iyo in kale.

 

Ceerigaabonews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this