Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Harakat Shabaab Al-Mujahideen: Press release on today's fighting in Mogadishu

Recommended Posts

بسم الله الرحمن الرحيم

 

Xafiiska Warfaafinta

 

Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin

 

26-12-1430 H

 

Qoraal saxaafadeed ku aadan dagaaladii manta dhacay

 

Barqanimadii manta oo Axad ah ayaa Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan difaaca hore ee dhanka wadada Warshadaha waxay ka war heleen dhaqdhaqaaq ay wadaan Maleeshiyada Xukuumada Riddada taas oo ay ku doonayeen inay Isbaaro hor leh ku dhigtaan halka loo yaqaano Sarkuusta si ay lacagaha baada ah uga qaataan gaadiidka dadweynaha wadada isticmaalaya.

Dagaalka ayaa bilowday markii ay Ciidamada Mujaahidiinta iyo Maleeshiyada Riddadu isku haleeleen halka loo yaqaano Sarkuusta iyadoo dagaal culus oo halkaas ka dhacay ay suurogashay in Maleeshiyadii uusoo gaaray khasaare aad u baaxad weyn laga kiciyo Sarkuusta ayna dib ugu gurtaan dhanka dhismihii hore ee Asluubta.

Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday galabnimadii maanta agagaarka Dhismihii hore ee Asbluubta iyadoo ay Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam oo isgarabsanaya weerarka ku bilaabeen Cadawga waxaana mar labaad suuragashay in halkaas dib looga sii riixo oo ay isugu ururaan Dhismihii hore ee Asluubta.

Dagaalkii manta dhacay oo ahaa mid uu khasaare aad u baaxad weyn oo dhan walba leh kasoo gaaray Maleeshiyada Xukuumada Riddada ayaan hadana ILAAHAY fadligiis waxyeelo haba yaraatee kasoo gaarin Ciidamadii Mujaahidiinta ahaa ee halkaas Dagaalka kula galay Maleeshiyada Riddada ah ee caadaysatay boobka iyo dilka dadka Muslimiinta ah ee wadada ku safraya.

Dhanka kale waxaa jiray madaafiic aan loo meel dayin oo Ciidamada Saliibiyiinta ah ee ku sugan Qaybo kamid ah Muqdisho ay ku garaacayeen goobaha ka fog halka ay dirirtu ka socotay taas oo waxyeelo gaarsiisay qaar ka mid ah shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Wilaayada Banaadir taas oo tusinaysa colaada gaamurtay ee ay Ciidamadaasi u hayaan Muslimiinta gumaysi diid-ka ah.

 

وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this