Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

A Letter From a Great Somali Political Activist

Recommended Posts

UJEEDDO: GUUD AHAAN IYO GAAR AHAAN

 

 

 

WAXAAN DHAMAANTEEN LA SOCONNAA IN KACDOONKII KA DHANKA AHAA DANAHA ITOOBIYA KU FIDAY GOBOLADA BARI IYO WAQOOYI SOOMAALIYA TAASOO SII DHUUJINEYSA DIIDITAANKA DAMACAHA GUMEYSTAHA DHANKA KALENA SOO DHAWEYNEYSA DOONITAANKA XORIYADDA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYA.

 

 

 

DURBADIIBA UQAASHA MATALA MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED EE KU NOOL MAAMUL GOBOLEEDKA AY HORKACAYAAN TIGREEGA EE KALA FADHIYA HARGEYSA IYO BOOSAASO AYAA BAAQ AY SOO SAAREEN SAACADIHII LA SOO DHAAFAY SI KALSOONI KU JIRTO AY KU MUUJIYEEN INAY DIIDAN YIHIIN JIRITAANKA RIYAALE KAAHIN IYO CADDE MUUSE NIMANKAAS OO FARO BADAN KA YAALAAN KA DIB MARKII AY KU TUNTEEN DAMIIRKA DADWEYNAHAAS AY QADDIYADDA QABIIL SHAFKA UGU GARAACEEN.

 

 

 

MARKII LA XISAABTAMAY LANA QIIMEEYEY MAQAARSAARKA ITOOBIYA EE LA XIRIIRA INAY DHIDHIBADA U AASTO WAXA AY UGU YEERTO "MAAMUL GOBOLEEDYO KA TIRSAN SOOMAALIYA" HOGAANNA U YIHIIN SHAQSIYAAD CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAAL AH BAA WAXAA LAGU BARAARUGAY IN KACDOONKII MUQDISHO KA DHACAY SI GEESINIMO LEH LOOGU DAYDO LANA GUDAAFADEEYO QASHINKA IYO DAXALKA AY U TAAGAN YIHIIN HOGAAMIYE KOOXEEDKA HARGEYSA IYO BOOSAASO KU HARAY.

 

 

 

DHANKA KALE JABKII SOO FOODSAARAY KOOXIHII LA MAGAC BAXAY "DOOXADA JUBBA" AYAA MASUUL U NOQDAY IN MALIISHIYO BADAN OO KA TIRSANAA ISBAHAYSIGAA DAACO CUDHUNKA AH INAY TOOBADKEENAAN DADWEYNAHA KISMAAYANA UGA SHEEKEEYAAN QORSHAYAAL HOOSE OO HOREY U QARSANAA BALSE SOO SHAAC BAXAY.

 

 

 

BARRE HIIRAALE OO SHEEGAN JIREY INUU MADAX U YAHAY DOOXADA JUBBA AYAA WAXAA UU SI QARSOODI AH UGU OGOLAADAY DOWLADDO FARO BADAN OO AY KA MID YIHIIN SOUTH AFRICA IN LAGA TUJAARO KA BAAYACMUSHTARKA XUBNAHA BINI'AADAMKA TAASOO KA JAWAAB BIXINEYSA IN XARUMO BADAN OO KISMAAYO KA FURNAA OO SI BEENA DADKA LAGU SOO XERO GASHAN JIREY KUNA NAAFEEYEY BOQOLAAL QOF OO SOOMAALI AH KUNA WAAYEY XUBNO MUHIIMA SIDA KALYO IYO QAYBO KA MIDDA DHEEFSHIIDKA INAY MAANTA GARTEEN FARAQA U DHEXEEYA HABEENSIGII AY KU KACDOOMEEN IYO BARWAAQADA AY MAANTA KU JIRAAN.

 

 

 

LAMA SOO KOOBI KARO FADEEXOOYINKA JUBBOOYINKA KA HIRGALAY 16KII SANO EE UGU DAMBEEYEY IN LA AFGAMBIYO MAALMAHAAS TAARIIKHDA MADOW XAMBAARSANNA WAA WAX AAN LAGA MURMI DOONIN

 

SHAKI KUMA JIRO IN OLOLE NADAAFADEED SOCDO WAANA MID BAAXAD WEYN OO MADAX IYO MANJO SAAQAY WALIBANA ADAG TAHAY IN UU ISTAAGO ILLAA UU SHANTA QAYBOOD EE SOOMAALIYA KA HIRGALO.

 

 

 

WAXAA NAGU MAQAALO AH IN GODEY OO KA TIRSAN DHULKA LAGU MAGACAABO KILILKA SHANAAD AY KA SOCDAAN KULAMO KAALIN LIBAAX AY KA QAADANAYAAN DADWEYNAHA SOOMAALIYEED EE U OOMAN INAY SOOMAALIDDA KALE CADKOODA XORIYADDA LA QAYBSADAAN WAANA HUBAAL INAY KICI DOONAAN IYAGA OO GAASHAANKA KU DHUFAN DOONA TUUGTA SHEEGTA INAY U HALGAMAYAAN DANAHA ********YA.

 

 

 

 

 

==============================================================================

ISUMA DHIIBEYNO ITOOBIYAAN URAYA EE WAXAAN ISU DHIIBEYNAA SOOMAALI

==============================================================================

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this