Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Puntland Minister opens Puntland Canadian Sports and Youth Association offices.

Recommended Posts

Toronto: Wasiirka Shaqada, Dhallinyarada iyo Sportiga ee DG Puntland ayaa xariga ka jaray xafiiska Puntland Canadian Sports and Youth Association

- Friday, November 04, 2005 at 23:07

 

Toronto - Wasiirka Shaqada, Dhallinyarada iyo Sportiga ee Puntland Mudane Saciid Jaamaca Cali Qoorsheel, ayaa xariga ka jaray xafiiska Puntland Canadian Sports and Youth Association ee laga furay magaalada Toronto.

 

sawir1.jpg

sawir2.jpg

Xafladdi furitaanka xafiiskan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeentii ereyo soo dhaweyn iyo warbixin xafiiska ah ka soo jeediyay Mudane Cismaan Axmed Cali (Cismaan Dheere) oo ah Madaxa Ururuka Somali Canadian Association Of Etobicoke, islamarkaana ah Danjiraha dowlad goboleedka Puntland u fadhiya Canada.

 

Mudane Cisman oo isagu ugu deeqay ururkan xafiis iyo qalab qiimahiisa lagu qiyaasay ilaa iyo $40,000. Ayaa mid mid u tusay dhamaan qalabkii uu xafiiska ku howlgeli lahaa . Intaa kadibna wuxuu furahii xafiiska ku wareejiyay Wasiirka Shaqada, dhallinyarada iyo Sportiga Mudane Saciid Qoorsheel.

 

sawir3.jpgsawir5.jpg

 

Haddana waxaa hadalka qaatay Axmed Cali Yusuf (Dhabaryare) oo ka socday bahda Sportiga ee Puntland . Dhabaryare wuxuu halkaasi ka sheegay in dhallinyarad Sportiga ay heegan u yihiin iskuxirka wasaaradda Sportiga ee Puntland iyo bahda Sportiga ee ku kala baahsan caalamaka.

 

Sidoo kale waxaa xafladan iyaguna hadal gaaban ka soo jeediyay madaxa Shirkadda Xawaaladda Amal Mr. Maxamed Cabdi iyo Jaamaca Cumar Ismaciil oo ku hadlayay magaca odeyaasha iyo waxgaradka ee Jaaliyadda Puntland

 

 

Ugu dambeyntii waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Mudane Saciid Qoorsheel oo isagu aad ugu mahdceliyay sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Toronto. Iyo weliba isxilqaanka dheeraadka ah ee ay muujiyeen dhallinyarada iyo guddiga Sportiga ee jaaliyadda reer Puntland

 

Wasiirku wuxuu mahadcelin gaar ah u soo jeediyay Mudane Cismaan dheere. Isagoo ugu mahad celiyay xafiiska iyo dhamaan qalabkii uu ugu tabarucay howlaha wasaaradda Sportiga ee Puntland.

 

Gabagabadii xafladdan ayaa Wasiirku wuxuu masuuliyadda xafiiska ku wareejiyay Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Nuur(Maxamed Yare) oo ka mid ah dhallinyarda Sportiga ee magaalada Toronto ugu firfircoon.

 

W/D Maxamed Busuri

Toronto, Canada

Mbusuri@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this