Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Riyaale secret police jail over 40 civilians ..

Recommended Posts

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo si sharci-darro ah xukun ugu ridday dadweyne Xabsiyada loo taxaabay

 

September 15th, 2009 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Xabsiyada ka buuxisay dadweyne ka qayb galay Mudaharaad Sabtidii Hargeysa ka dhacay, isla markaana ay si aan sharciga waafaqsanayn Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Maroodi-jeex xadhig ugu xukuntay 40 Qof.

 

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbigaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xukuumaddu waxay Xabsiyada geysay dadweyne aad u tiro badan oo hadda ku xidhan Saldhigyo kalla duwan oo ku kala yaala Degmooyinka Hargeysa. “Waxaynu ka war qabnaa oo aynu ogsoonahay in ay Ciidamada Booliska iyo kuwa dembi-baadhistu ay qabqabteen dadweyne tiro badan oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo Waayeel intaba laga soo bilaabo maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 12 September 2009, ilaa maantana la wado qabqabashadooda. Maalintaas oo dadweynaha Hargeysa u muujiyeen, taageerana siiyeen Xildhibaannada Golaha Wakiilada, kuwaas oo ay Xukuumaddu ka xidhay, kana qufushay Golihii fadhiisinka u ahaa ee ay ku shirayeen. Waxaanay Xildhibaannada iyo dadweynaha taageersani socod ku mareen Cusbatalka guud hortiisa, iyagoo ku soo jeeda Xarunta Golaha Wakiilada, si ay Xildhibaanadu u gutaan hawl-maalmeedkooda. Hase yeeshee, waxa halkaasi kaga horyimi oo is-hortaagay Ciidamada Booliska oo hubaysan, una diiday inay galaan Xarunta. Diidmada loo diiday Xildhibaanada inay galaan Xarunta waxay dhalisay isku-dhac Ciidamada Booliska iyo Xildhibaanada, waxaana Xildhibaanada u gurmaday shacab-weynihii la socday oo si salmi ah u garab-galay Xildhibaanada, kuna guulaystay inay gudaha geliyaan.” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas, waxaana intaa uu raaciyay oo lagu yidhi, “Ciidamada Boolisku waxay isla markaas bilaabeen inay qabqabtaan dadweyne aad u tiro badan oo boqol qof kor u dhaafay, waxaanay hadda ku kala xidhan yihiin Saldhigyada Booliska ee Koodbuur, Qudhac-dheer, Saldhigga dhexe iyo Xarunta Dembi-baadhista ee Hargeysa. waxa kale oo Ciidamada dembi-baadhista iyo Sirdoonku bilaabeen ugaadhsiga dad kale oo farabadan oo Guryahaooda lagu weeraray, iyagoo ku andacoonaya inay ka qayb-galeen isu-soo-bixii Sabtida. Sida la ogyahay, waxay maanta (shalay) ee 14 September ay guddida nabadgelyada Gobolka Maroodi-jeex ay xadhig min lix bilood ah ku xukumeen 40 Qof oo ka mid ahaa shacabweynihii la qabtay maalintii taageerada salmiga ah loo fidinayay Xildhibaannada. Dadweynahaas la xukumay lama soo taagin Maxkamad sharciya, isla markaana looma qabanin gar-yaqaano u dooda.”

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE wuxuu baaq 3 qodob ka kooban u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxaana Warsaxaafadeedkaasi intaa raaciyay, “Haddaba, Hoggaanka Xisbiga Micaaradka ah ee KULMIYE wuxuu marka hore cambaaraynayaa dilka, dhaawaca iyo xadhigga loo geystay shacabka aan hubka wadanin ee faro-madhnaa iyo hanjabaadda iyo cago-juglaynta joogtada ah ee lagu hayo taageerayaasha KULMIYE.

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE wuxuu u sheegayaa Xukuumadda Rayaale in uu xaq u leeyahay in uu difaaco oo uu ilaaliyo taageerayaashiisa. Sidaa darteed, waxaanu u soo jeedinaynaa Xukuumadda;

 

1-In la soo qabto Askartii geysatay dhimashada iyo dhaawaca, isla markaana sharciga la horkeeno.

 

2-In dadka xidhan ee hadda hoganaya Saldhigyada Booliska iyo Xarumaha dembi-baadhista la soo daayo, loona soo celiyo xorriyaddooda shuruud-la’aan iyo.

 

3-In la joojiyo baadi-goobka iyo caga-juglaynta lagu hayo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, kana waantoobaan Ciidamada Xukuumaddu weerarka lagu hayo qoysaska iyo guryaha taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.”

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

 

bmm@somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this