Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Now This is Funny

Recommended Posts

Saraakiil ka tirsan ciidammada Maraykanka oo watay diyaarad kuwa milletariga ah, ayaa gelinkii hore ee shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, halkaas oo ay kulan gaaban kula yeesheen Taliyaha hay’adda Sirdoonka Somaliland Mr. Maxamed Nuur.

 

Ma jiro wax war oo xukuumadda ka soo saartay ujeeddada socdaalka saraakiisha ka tirsan ciidammada Maraykanka iyo ujeeddada safarka qarsoodiga ah ee ay ku yimaaddeen Hargeysa iyo weliba waxyaabaha ay ka wadahadaleen masuuliyiinta Somaliland.

 

Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogo-gaal ah, diyaarad kuwa milletariga Maraykanka ah, ayaa abbaaro 8:30 subaxnimo ee shalay soo cago-dhigatay madaarka Cigaal International Airport ee caasimadda Hargeysa, taas oo ay ka soo degeen laba sarkaal oo ka tirsan ciidammada Maraykanka, kuwaas oo kulan muddo dhowr iyo toban daqiiqo qaatay qolka martida ee madaarka kula yeeshay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Nuur oo isagu xilligaa ku sugnaa garoonka.

 

Waxa kale oo ilahaas xaqiijiyeen in intii uu socday kulanka saraakiisha Maraykanku la yeesheen Taliyaha Sirdoonka diyaaradda milletariga Maraykanku wateen oo ahayd nooca dabada furan laga siidaayey laba shimbirood oo la aaminsan yahay inuu ku rakiban yahay qalabka loo yaqaan ‘JPS’ oo ah nooca loo adeegsado hawlaha basaasidda, kuwaas oo si toos ah ugu duulay gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo markaa kadibna shimbirii oo weli ku maqan gudaha magaaladda diyaaradda sidday saraakiisha Maraykanku dib-ugu-duushay halkii ay ka timi, kadib dhawr jeer markii ay ku wareegtay madaarka.

 

Hase ahaatee si cad looma oga nooca shimbiraha ciidammada Maraykanka keeneen Hargeysa iyo ujeeddada ka dambaysa toona, balse waxa la aaminsan yahay in ay la xidhiidho hawlaha sirdoonka eek u wajahan la dagaalanka argagixisada.

 

Dhinaca kale, ammaanka madaarka caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn loo adkeeyey, kadib markii subaxnimadii hore ee shalay masuuliyiinta ammaanka ee garoonka amar lagu siiyey in ay joojiyaan gebi ahaanba dhaqdhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka lugta ah ee gudaha madaarka, sidoo kalena muddada saraakiisha ciidammada Maraykanku joogeen ma jirin wax diyaarad ah oo madaarka soo fadhiisatay iyo mid ka duusahy toona.

 

Ammaanka madaarka ee sida weyn loo adkeeyey, ayaa saamay ku yeeshay hawlaha shaqo ee gudaha madaarka Hargeysa, iyada oo gudaha garoonka laga mamnuucay nooc kasta oo gaadiid ah, marka laga reebo kuwa dab-demiska diyaaradaha.

 

Saraakiisha ciidammada Maraykanka ee markii ugu horreysay Hargeysa keenay shimbiraha loo adegsado hawlaha sirdoonka, ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin saldhigga ciidammada Maraykanku ku leeyihiin dalka Jabuuti oo ah xarunta ugu weyn ee laga maamulo hawlgallada la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika.

 

 

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this