Sign in to follow this  
Gabbal

Maybe from Somaliland after all..?

Recommended Posts

Gabbal   

Daahir Riyaale oo qiray in Xubnihii lagu qabtay Hargeysa ay u dhasheen Somaliland

 

Madaxweynaha Maamulka la baxay Soomaaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa shaaca ka qaaday xubnihii habeen hore dagaalka ka riday magaalada Hargeysa ay ahaayeen kuwo deegaanka u dhashay.

 

Daahir Riyaale Kaahin oo maanta Warsaxaafadeed ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa buriyey wararkii uu hore usoo jeediyey Wasiirkiisa Arrimaha Guddaha Ismaaciil Aadan oo sheegaya in xubnihii lagu qabtay Hargeysa ay ahaayeen kuwo kasoo jeeda magaalada Muqdisho.

 

Daahir Riyaale ayaa warsaxafadeedkiisa ku sheegay in xubnaha la qabtay ay gaarayaan 5 nin isla markaana ay baxsadeen 2 kale dadkaasi oo uu sheegay in ay dhamaantood u dhasheen Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland).

 

Mr.Riyaale ayaa intaa ku daray in xubnahan ay yihiin kuwa kamid ah argagaxisada Caalamiga ah isla markaana tababaro kusoo qaatay magaalada Muqdisho ee Koonfurta Soomaaliya.

 

Daahir Riyaale ayaa ka gaabsaday waxa ay damacsanaayeen kooxaha iyo sida ay ugu xiran yihiin xubnihii hore xabsiga loo dhigay ee loo heystay dilalkii ka dhacay Soomaaliland ayaa ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah kasii bixiyo.

 

Daahir Riyaale ayaa sheegay waxa kaliya oo uu og yahay in ay tahay in dadkan ay doonayeen in ay weeraro ka fuliyaan deegaankooda isla markaana si weyn u hubeysnaayeen.

 

Madaxweynaha maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegay in baaritaan uu socdo isla markaana ay hada heegan geliyeen dhamaan ciidamadooda.

 

Waxaa ayaguna jira warar sheegaya in dagaalkii Hargeysa ka dhacay habeen hore uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo la xariira loonanka doorashooyinkaa, balse uu maamulka u bedalay arrimo argagagxiso.

 

Waxaa isa soo taraya wararka kasoo baxaya xubnihii shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa ee ka qeyb qaatay iska horimaadkii ay ku dhaawacmeen 5 kamid ah ciidamada iyo labo nin oo kamid ahaa kooxdaa hubeysan.

 

Booliiska ayaa saxaafada u diiday in ay la kulmaan dadka xabsiga lagu hayo ayagoo markaa sheegay in baaritaan uu socdo isla markaana dadkan lasoo hortaagi doono maxkamad laguna qaadi doono danbiyo la xariira argagaxisada caalamiga ah.

 

Tan iyo intii ay soo dhawaatay doorashooyinka ka dhacaya deegaanka Somaliland ee la xariira Baarlamaanka ayaa waxaa jiray xiisado u dhaxeeya qaar kamid ah xisbiyada iyo taageerayaashooda.

 

Madaxweynaha Daahir Riyaale oo mar wax laga weydiiyey sababta ay kooxahan weerarkooda wakhtigan ugu soo aadiyeen ayaa sheegay in uusan ogeyn balse ka hortagi doonaan cid walba oo khal khal gelisa amaanka dalka.

 

Dhanka kale waxaa magaalada Burco ee gobalka Togdheer uu maamulka Somaliland ku xiray mid kamid ah culumaa'udiinka deegaankaasi kasoo jeeda.

 

Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen booliiska magaaladaasi, Amarka lagu xiray shiikhaan ayaa la sheegay inuu yahay mid ka yimid magaalada Hargeysa wax faah faahin ahna lagama bixin sababta shiikhasi xabsiga loo dhigay.

 

Bashiir Maxamed (Al-Bashiir)

al_bashiir@hotmail.com

allwadan@allwadani.com

Muqdisho.

www.allwadani.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this