General Duke Posted September 12, 2007 Shir lagu taageerayay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay oo Toronto lagu qabtay Arbaco, September 12, 2007(HOL): Shirweyne ay isugu yimaadeen dad fara badan oo gaaraayay boqollaal Somali ah ayaa lagu qabtay Columbus Center oo ku taalla magaalda Toronto ee Dalka Canada maalintii Axadda ahayd ee aynu ka soo gudubnay taariikhduna ay ku beegneyd September 9, 2007, shirkaas oo lagu taageerayay Shirweeynihii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho 15kii July ilaa 31kii August, 2007. Shirkaasi oo ay soo agaasimeen ururka Somali Canadian National Congress ayaa waxaa ka soo qeeybgalay waxgarad, aqoonyahanno, dumar, dhalinyaro iyo marti sharaf ka timid magaalooyinka Ottawa, Canada iyo London, UK. Markii shirkii lagu furay Quraanka kariimka ah sidii caadadu ahayd ayaa waxaa xiriiriyayaasha shirka,Mudane Abdtifatah Maroyare iyo mudane Axmed Dhabaryare shirka ku soo dhaweeyeen dadkii ka hadli lahaa shirka oo ay ka mid ahaayeen Dr. Omar Mohamud (Dufle), Caaqil Naasir Cabdi Baalle, Ambassador Xareedo Ibrahim Boolis, Eng. Osman Ahmed Ali Dheere, Farah Ow- Osman oo ah madaxa Canadian Friends of Somalia oo Ottawa ka howl gala, Avv. Abduraxman Xoosh Jibril, Batuulo Sh. Axmed Gaballe, Dr. Mohamed Ahmed Gilao (Tenis). Waxaa kaloo dowr fiican ka qaatay, fannaanada weyn Faadumo Cali Nakruuma oo dad weynihii xamaasadooda kicisay iyadoo hees iyo suugaan ku aadan wanaaga nabadda iyo heshiinta ku luqeeysay Dadka ka hadley shirka waxay aad ugu dheeraadeen muhumidda eey leedahay nabadda, dowladnimada, iyo dib u heshiisiinta, bacdamaa 17 sano dagaal iyo sharci darro wadanka uu soo maray. Waxaa kaloo ay ku nuuxnuuxsadeen in ay fursaddaan aheyd markii ugu horeeysay oo shir intaan le’eg lagu qabto waddanka gudihgiisa. Caaqil naasir Cabdi Baalle ayaa aad u cabbiray fikirka dadka meesha isugu yimid markii u yiri “ Go’aankii Geesinimada lahaa eey qaateen madaxda qaranka Somaliyeed oo uu hoggaamiyahaha u yahay Madaxweeyne Cabdullahi Yusuf Axmed ,Raysul wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo guddoomiyiha baarlamaanka Sh Adam Madoobe oo ahaa in shirweeynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed lagu qabto waddanka gudihiisa gaar ahaan magaala madaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaa uu reebtay taariikh lama illobaan ah, maxaa yeelay 17kii sanoo hore heshiisyada Soomaalida waxaa lagu qaban jiray dibadda wadanka, natiijana kama soo bixi jirin”. Shirkaan oo si habsima leh ku dhammaaday ayaa qabanqaabadiisa waxaa kaalin lama iloobaan ah ka qaadatay Marwo Avv. Nuurto Haji Hassan oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee daneynaya in ay dib u soo noqoto Nabaddii iyo Xasiloonidii Soomaaliya. Hiiraan Online News Desk Ottawa, Canada warar@hiiraan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites