General Duke Posted October 27, 2004 Hay’adda nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee Elman oo ka codsatey beesha caalamka.. Hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman ayaa ugu baaqaysa beesha caalamka inay taageero dhaqaale iyo mid ciidanba la garab istaagaan dowladda Cusub ee uu madaxda ka yahay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo la eegayo dhibaatooyinkii laga dhaxlay muddadii 14-ka sano ahayd. Waxay hay’addu ugu baaqaysaan hoggaamiyeyaasha hubeysan inay hubkooda ku wareejiyaan dowladda cusub si looga gudbo marxaladaha adag, waxay kaloo hay’addu ugu baaqaysaa madaxweynaha dowladda Federalka ah ee ku mel gaarka inay wada xaajood la furto cid kasta oo ka hor timaadda dowladda si loo gaaro horumar la taagan karo, iyadoo la eegayo maamulladii la dhisay 14-kii sano sida dowladdii Cali Mahdi Maxamed ee 1991-kii oo dhammaantood la kulmay caqabo xoog badan. Waxay kaloo hay’addu soo dhaweysay dambigii lagu waayay shirkaddii xawaaladda ee Barakaat oo dowladda Mareykanku ka fariisisay hantideeda 2001. waxaa qoraal-kaan ku saxiixnaa Madaxa baarista xadgudubyada Hay’ad-aasi Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa). amiinkhasaaro yuusuf amiinkhasaaro@hotmail.com MUqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites