Sign in to follow this  
Gabbal

Tribal militias take over Qoryooley, Buulo Mareer in the Lower Shabelle.

Recommended Posts

Gabbal   

QORYOOLEY: Gacan ku haynta Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose oo ay la wareegtay Malleeshiyo ka soo horjeedda Dowladda Somalia

Posted to the Web Jun 09, 13:02

 

Qoryooley (PP) – Malleeshiyooyinkii dagaalka la galay Ciidammada Dowlada ayaa la sheegay inay maanta gacanta u gashay mar kale Degmada Qoryooley oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wararka ka Imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Qoryooley ay gacanta ugu jirto kooxaha Malleeshiyada ah ee ka mid ahaa Maamulkii horay uga jiray Gobolka, kaddib dagaal kulul oo dhex maray iyaga iyo ciidammada Dowladda.

 

Abbaare 11:30 barqonimo ayaa la xaqiijiyay inay gacnta u gashay kooxahaas degmada Qoryooley, kaddib dagaallo xalay iyo saakay ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee Degmada Kurtun-waarey, iyadoo dagaalladaasna looga xoog roonaaday ciidammada Dowladda.

 

Xubnaha cusub ee Maamulka Gobolkaas uu dhawaan u magacaabay Prof. Geeddi uuna horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/qaadir Sheekh Maxamed ayaa la xaqiijiyay inay isaga baxeen Demgmada Qoryooley Abbaare 10:00 baqanimo iyadoo aan la garanayn halka ay abbaareen iyo halka ay ku sugan yihiin.

 

Shacabka Degmada Qoryooley oo lagu kor dagaalamay ayaa waxay haatan ku jiraan xaalad jahawareer ah oo ay kaga hadlayaan dagaalkaas, waxaana wararka ka imaanaya ay tibaaxayaan in ganacsiga uu yahay mid si tartartiib ah u soo laabanaya, inkastoo ay cabsi dagaal jirto.

 

Goobjoogayaal ku sugan Degmada ayaa waxay sheegayaan in dhaawacyo iyo dhimasho aysan arag, illaa iyo hadda, balse rasaastu ay ahayd mid aad u xooggan, iyadoo ciidammadii dowladda ay si deg-deg badan uga baxeen degmada Qoryooley.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan iyadu ka hadlin Dagaallada ka socda degmada Qoryooley weli, waxaase lagu wadaa inay dowladdu hadal ka soo saarto dagaalladaan socday xalay illaa saakay.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Maleeshiyaadka maamulkii hore ee Gobolka Sh/hoose oo saaka la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buulo mareer ka dib dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada…

 

Dadka ku dhaqan deegaanka Buulo mareer oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa saaka ku soo toosay dhawaqa rasaasta iyo hugunka qoryaha cul-ulus, ka dib markii uu halkaasi ka qarxay dagaal u dhexeeya maleeshiyooyin ka amar qaata maamulkii hore ee gobolka iyo ciidamo ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya oo taageeraya maamulka dhowaan loo magacaabay gobolka Sh/hoose.

 

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus oo saameyn lixaad leh ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka iyo weliba ganacsigii ka jiray deegaankaasi ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii maleeshiyaadka maamulkii hore ee gobolka oo ku sugnaa degmada Qoryooley ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Buulo mareer saaka, taasoo keentay dagaal xoog badan oo labada dhinac dhexmaray.

 

Ilaa 2 qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa sida la xaqiijiyey ku dhimatay dagaalkaasi kuwaasoo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo tiro kale oo aan la xaqiijina ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ka mid yihiin dad rayid ah, waxaana gacan ku heynta deegaankaasi imika gacanta ku haya maleeshiyooyinkii deegaankaasi soo weeraray ee maamulkii hore ee gobolkaasi ka dib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay dib ugu soo gurteen meel duleedka ka ah deegaankaasi, halkaasoo la sheegay iney ka wadaan abaabul la xiriira sidii dagaal rogaal celin ah ugu soo qaadi lahaayeen deegaankaasi, iyadoo deegaanka Buulo mareerna wararkii ugu dambeeyey ee hadda naga soo gaaray ay sheegayaan in xaaladiisu xasiloon yahay, inkastoo xiisado aad u kacsan ay ka jiraan.

 

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Horn, if true, does this news make you happy or sad? In other words, are you ready to uncork the Champagne or are you worried the Ethiopians will descend on the Lower Shabelle and commit another massacre a la Muqdisho to fend of these anti-TFG "militias"?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Castro, I merely posted this because it is a very important development and I am surprised it has not been posted yet. With that said, I sense you are coming at me from a tribal perspective with the impression I share tribal connection with these militias. I do not Castro, these are former militias of Indhacade, the former chief security officer of the ICU.

 

As for the development itself, I am neither uncorking any champaign with delight nor am wishing for Ethiopians to attack them. I am very surprised at the development itself. I will leave it at there for the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^^^ Waxba yuuna dhulku kuu dhaqdhaqaaqin saaxib. Not only do I not know who took over these towns, I don't even care. I support anyone who rejects this puppet regime and resists the occupation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Originally posted by Castro:

I support anyone who rejects this puppet regime and resists the occupation
.

I second that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Castro:

^^^ Waxba yuuna dhulku kuu dhaqdhaqaaqin saaxib. Not only do I not know who took over these towns, I don't even care. I support anyone who rejects this puppet regime and resists the occupation.

Dee hmar hadaan hadalkaadi dhuuxa ka siibay, si ayuu u dhadhamayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this