Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Ahmed government to fight back ?

Recommended Posts

Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dagaal diyaar utahay.

28. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ka taliso meel cayiman oo kuyaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaal diyaar utahay, sida uu xaqiijiyey Afhayeen uhadlay ciidamada Milateriga ee dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ugu hanjabayso dhinacyada ka soo horjeeda in ay ka soo baxaan gudaha magaalada oo is keenaan banaanada aysan joogin dadka Shacabka ee ku nool magaalada Muqdisho, waxaana hadalkan ka sheegay Saxaafada Soomaaliya nin sheegtay in uu yahay afhayeenka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Afhayeenkan ayaa sheegay in ay dowladdu diyaarisay qorshayaal ay kula dagaalamayso Islaamiyiinta ka soo horjeeda oo awood buuxda ku leh guud ahaan gobalada Koonfureed ee Soomaaliya, kana taliyo meel aan ka fogeyn Guriga amaankiisa aadka loo adkeeyo ee uu degan yahay madaxweynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Dagaalyahanada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay u arkayaan hadaladaasi in ay yihiin kuwa lugu doonayo in ay dowladda Soomaaliya ku baneysato dhiiga Umada Soomaaliyeed, ayna dooneyso in ay garaacdo Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah meel uuyaalo dhaqaale ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

 

Horay dowladda ayaa usheegtay in ay nabad diyaar utahay, isla markaasna aysan dagaal marnaba rabin, balse hadalka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili uu Madaxweynaha dowladdaasi helay taageerooyin dhanka beeshiisa uga timid oo ah ciidan, taasoo keentay in uu ciidamo geeyo degmooyin aan dagaal ka jirin oo ay hada ka muuqdaan dhiilo colaadeed.

 

Hanjabaadaha iyo Saxan-saxada Colaadeed ee ka taagan Muqdisho-Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo ku dhaqan Muqdisho lana socda Isbalada Siyaasadu ay sheegayaan in ay lama huraan tahay dagaalo ka dhaca magaalada Muqdisho, ayagoo sabab uga dhigaya dhinacyada isbiday awoodaha ee ku loolamaya magaalada Muqdisho.

 

Dagaalo ka dhaca waqtigan Muqdisho waxa ay noqon karaan kuwa aan sahal- ku damin, maadaama ay dhinacyadu heystaan ciidamo iyo kharash ku filan, sida ay xaqiijinayaan Ilaha ku dhow dhow dhinacyada oo dhamaantood ay la xariirtay Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee AllPuntland (APL).

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Lool, from 'we will defeat Alshabaab and take the whole country in ten days' to 'we are ready to fight'...

 

Sheikh Shariif is proving himself to be a master tactician by the day! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^These guyz are showing their weaknesses and lack of strategy by the day, I mean what is the point of announcing 'we are ready to fight' knowing that a fight will happen whether they are ready for it or not... perhaps it is the tactic of the master briliant brain Sheikh hotel to scare the hell out of Alshabaab... Alshabaab bewarned and run, fear, fear for you lives, Sheikh hotel has announced is ready to fight :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yeah, not to mention the hit and run tactics that’s causing mayhem within the Al Shabaab ranks, in villages outside of Jowhar, not close to Mahaday in between Cadale and no way near Balcad, where the combined might of the Mogadishu society is stalking Xasan Turki and Fuad Shabgoole’s shadows.

 

That’s brilliant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this