Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu latest: Bloody day as courts take control.[Shocking pics]..

Recommended Posts

The monthly battles between the warlords and the courts have begun again. This time the battles are all over the city, including near the largest market in Somalia Bakara.

 

Todays battles were initiated by Abdi Nuure Siyad[Waal] who atacked the areas controled by the Al-Furqan court. The response was swift and Alfurqan with the support of The other courts took control of the whole area including the Sahafi hotel owned by businessman and warlord Abdirashid Ilgaete..

 

Maxaakiimta Islaamiga Muqdisho oo qabsadey fariisimo muhiim ah

 

 

Muqdisho- 25.May.2006 Dagaal qaraar oo si weyn loogu hoobtey ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Tarbuunka, No 4 Taleex, wadada Garoonka

diyaaradaha iyo xaafada Buulo-Xuubey.

 

 

Dagaalkan ayaa saak waaberigii wuxuu ka bilowdey agagaarka No 4 waxaana uu dhexmareyey maleeshiyo kala taabacsan Midowga Maxaakiimta Islaamig ah ee Muqdisho iyo kuwa Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

 

Iska horimaadkan ayaa wuxuu dhaliyey khasaare baaxd leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhintey iyo kuwa dhaawacmayba u badan dad rayid ah oo ay haleeshey rasaastii la iswaydaarsaneyey oo ka mid tahay madaafiic iyo qoryaha lidka diyaaradaha.

 

Dadka ku dhintey dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin horjoogayaasha maleeshiyaadka labada dhinac, iyadoo ay jiraan dad badan oo rayid ah oo ay ku habsadeen madaafiicdii la is waydaarsanayey kuwaasi oo ugu tagey guryahoodii.

 

Guri ku yaalk agagaarka No 4 oo uu ku habsadey madfac ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan 3 qof, iyadoo dad kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale meelaha madaafiicdu ku habsatey ayaa waxaa ka mid ah xafiis Telefishinka Al-Jazeera uu ku lahaa magalada Muqdisho oo madfac uu ku habsadey, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah war uga soo saartey cida wax ku noqtey halkaasi.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladan ka socda Koonfurta magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyada Midowga Maxaakiimta ay gacanta ku dhigeen badi goobihii lagu dagaalamayey oo ay ka mid tahay Isgoyska KM 4, Taleex iyo waliba Hotel Saxafi oo uu iska leeyahay Ganacsade C/rashiid Il-Qayte oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

 

Maleeshiyada taabacsan C/shugri oo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaa la sheegay inay iminka ku sugan yihiin deegaanka Villa Baydhabo, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Cabdi Shugri iyo C/rashiid Il-Qayte ay iminka ku sugan yihiin xerada Asluubta ee ku yaal wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

 

Dhinaca kale deegaanka Galgalato ee duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socoda dagaal qaraar oo u dhaxeeya Maleeshiyaad kala taabacsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada iyo Midowga Maxaakiimta Islaamig ah ee Muqdisho.

 

Warar dheeraad ah lagama hayo dagaalkan waxaase idiin soo gudin doonaa wararka ku soo kordha dagaalka Galgalato.

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa sidee xaalada Magaalada Muqdisho kadib markii gabalka uu dhacay.

Last Updated::2006-05-25 21:11:07

 

Muqdisho:- Maleeshiyaadka isbahasyiga la dagaalanka argagixisada ayaa lagu soo waramayaa in ay

khasaarooyin waaweyn ay kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay deegaano kala gedisan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

Maleeshiyaadkii isbahaysiga ee ku soo duulay deegaanada Geed Timirka ee agagaarka deegaanka Galgalato iyo kuwii kale ee ku yimi dhanka degmada kaaraan ayaa khasaaro kala kulmay isku day ahaa in ay gacanta ku dhigaan deegaanka istiraatiijiga ah ee Galgalato iyo ilaha dhaqaalaha dekadaha Ceel Macaan iyo Ceel Cadde.

 

Dagaalkii maanta ka qarxay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa iskiis u qaboobay gabalkii markii uu dhacay, ayada oo dagaalkaasi uu si xoogan uga socday deegaanka Dayniile iyo agagaarka xeradii hore ee 77 iyo warshadii hore ee Kabka.

 

Sidoo kale iska horimaadkii ka dhacay deegaanka KM4 ayey ku gacan sareeyeen maleeshiyooyinka maxkamadaha oo ayagu gacanta ku dhigay Hotel Saxafi iyo isgoyska KM4.

 

Hadaba dagaalkii maanta ayaa sababay khasaare naf iyo maal leh, ayada oo wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in ugu yaraan 40 qof ay ku geeriyoodeen dagaalkii maanta halka dhaawacana uu sii caga cageynayo 120 qof, taasi oo ay sii dheer tahay barakac baahsan oo soo gaaray dadka rayidka ah.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

In badan waxay dadka masaakiinta madaafiic la dhacaan iyagoo qabiillo magacood ku duulaayo, maanta waxay ku qasabtay warlordskii qaarkood inay badda naf ka raadiyaan oo maydkooda badda soo caarido. Ilaahay waa na maqashiin karaa aqbaar fiican iyo dhimashada Yalaxoow, Qanyare, Ilqeyte, Kii bidaarta lahaa magaciisaa iga maqan..Qeybdiid? and all the warlords iyagoo dullaysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this