Sign in to follow this  
Liqaye

War deg deg ah Madaxweynaha dalka Kenya iyo dhamaan hogaamiyayaasha oo si wadda jir a

Recommended Posts

Liqaye   

War deg deg ah Madaxweynaha dalka Kenya iyo dhamaan hogaamiyayaasha oo si wadda jir ah maanta u saxiixay u gudbidda Wejigga 3 aad ee shirka

Nairobi .

Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay

hindisaha loogu gudbayo wejigga 3 aad ee Awood qeeybsigga geedi socodka

Nabadda.

Xaxiixa oo uu ku jiray madaxweynaha dalka Kenya oo dhacay 3;20 PM ayaa loo

qaabeeyay qaab ka duwan kii hore kadib markii si gaar ah loo xulay

hogaamiyayaasha kala ah

Cabdi Qaasim Salaad Xasan

C/llaahi Yusuf Axmed

Max,ed Qanyare AFrax

Muuse Suudi Yalaxoow

Sheekh Aadan Madoobe

Max,ed Dheere

Shariif Saalax

Caasha Xaaji Cilmi

Sideedaas mas,uul oo ka wakiil ah garabyadda siyaasadda Soomaaliya ayaa

lagu si qaas ah qalinka ugu duugay saxiixa kadibna waxaa loo soo gudbiyay

dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida oo iyagana sii ansixiyay si ay raali

uga yihiin.

xafladda oo ka socoto gudaha madaxtooyadda ayaa ah mid albaabadda u xiran

saxaafadana aanan loo ogoleeyn hasse ahaatee waxaa lagu waramayaa in

hogaamiyayaasha qaar ay soo jeediyeen in liiska saxiixayaasha qaaskaa lagu

daro Xasan Abshir Faarax sidda horey loo iclaamiyay.inkastoo aan la ogeeyn

sidda ay surta gal ku noqon karto

si kastaba ha ahatee saxiixa maanta dhacay waxaa ka maqnaa madaxweynaha

dalka Uganda Yuweri Musevini oo joogo dalka ingiriiska balse soo wakiishay

dhigiisa dalka kenya Mwai kibaki.

 

Warbixinadda xasaasigga ah waxaad ka bogan doontaan marka xafladda soo

gabagaboowdo saxaafaddana loo fasaxo gudaha Madaxtooyadda gaar ahaan

xarunta xafladda ka socoto.

Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya

dahiryare@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this