Mystery Posted August 5, 2003 The below article states that the men who presented themselves as the elders of their clans refused to take oath, to prove that they are the genuine elders of their clan (H***ye & D***d). The organizers took this measure of asking the elders who presented themselves to take oath after they received reports stating that many of the (genuine) elders stayed behind in Somalia. Now not only do we have warlords, but also fake elders (odayaal). Nice combination to lead the country huh? :confused: ------------------------------------------------ ODAYAASHA DHAQANKA BEELAHA ****** IYO ******* OO GALABTA ISKA DIIDAY IN AY DHAARTAAN Isniin, 4 August, 2003 Waxaa galabta lagu waday in shirka ka dhacayay madasha shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi lagu dhaariyo duubabka dhaqanka ee beelaha Soomaalida, iyaga oo horay loogu wargeliyay in oday kasta uu soo diyaariyo sharcinimadiisa oday dhaqameednimo, cidda uu u dhashay iyo deegaankiisa. Haddaba markii shirkaas la isugu yimid, isla markaana la isu qaban qaabiyay in uu oday dhaqameedyada dhaariyo nin Sheekh ah oo lagu magacaabo Sheekh Mohamed Musalam oo Imaam ka ah masjid weyn oo ku yaala magaalada Nairobi ayay odayaasha Beelaha ****** iyo ******* ay gebi ahaanba diideen intii ku soo xaadirtay hoolka shirka Mbagathiin ay dhaartaan, iyaga oo sheegay in ay yihiin odayaal dhaqameedyo sharci ah oo la yaqaano, isla markaana soo jireen ah, sidaas darteedna aysan meesha oolin wax loo dhaariyo. Wararku waxay intaas ku darayaan in odayaasha labadaas beelood aysanba badankood shirka imaanin, kuwii yimidna ay ka hor yimaadeen dhaartii. Si kastaba, arinta keentay in la dhaariyo odayaasha dhaqanka ayay warar isa soo taraya sheegayaan in loola jeeday in lagu xaqiijiyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee beelaha Soomaalida, bacdamaa laga doonayo in aysan qeylo dhaan iyo duubkeena rasmiga ah ma ahan aysan ka daba imaanin xulista xubnaha baarlamaanka ee ay sameyn doonaan, haddiiba sidaas la isku af-garto. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online saladxiis@yahoo.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites