Sign in to follow this  
AYOUB

Shabaab takeover Xuddur as Galmudug invite Sh. Sharif government to move to Galkacyo

Recommended Posts

AYOUB   

Xoogagga Alshabaab oo la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Xuddur, Iyo Faahfaahin naga soo gaartay Hub fara badan oo laga qabsaday Kooxihii halkaa ku sugnaa.

 

 

War Deg-Deg ah:- Muqdisho,25,Feb,2009,Arboco,(Hillaac.net)War haatan naga soo gaaray Magaalada Xuddur ayaa sheegaya in gacan ku heynta Magaaladaas Xudur ee Gobolka Bakool ay si buuxda ula wareegeen Xoogagga Alshabaab kadib dagaal ay saaka ku qaadeen Kooxihii horay looga eryay Magaalada Beydhaba ee Maalmahan isku Aruursanayey Magaaladaas Xuddur, Iyagoo Hub Gaadiid Dagaal u badan ay soo siisay Dowladda Itoobiya.

 

Kooxihii Dagaalka lagu Jabiyey ayaa waxay isaga carareen fMagaaladaas Waxana Firxadkooda sii ceyrsanaya Ciidanka Alshabaab Iyadoo Horjoogayaashii Maleeshiyaadka la jebiyey Fara Ciddiyo leh kaga baxsaday dhanka garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur.

 

Waxa na soo gaarayaa in Alshabaab ay Gacanta ku soo dhigeen tiro Gawaari dagaal iyo hub fara badan oo maleeshiyaadkaasi ay Muddooyinkanba ku uruursanayay Magaaladaasi Xuddur, Iyadoo ay Hubkaasi ka soo qaateen Dowladda Itoobiya oo Ciidankeedu uu Jab lama Illoobaan ah kala kulmay Gudaha Soomaaliya.

 

Alshabaab ayaa waxay sheegeen in Magaalada ay ku Qabsadeen Taatiik Caskari oo aad u heer sarreeya, Waxana Haatan ay Magaalada ka dhex goobayaan qaar ka mid ah Horjoogayaashii Maleeshiyaadka la jebiyey oo Iyagu Magaalada ku dhex dhuuntay kadib markii Maleeshiyaadkoodii ay ka Carareen.

hillaac on February 25 2009 12:40:38

Baarlamanka dowlad Goboleedka GalMudug ayaa ugu baaqay in Baarlamaanka soomaaliyeed u soo guuraan Magaalada Gaalkacyo, iyagoo sheegay in Maamulka iyo dadweynuhuba  ay si wanaagsan u soo dhaweenayaan.

     Hobyonet.Com   Arbaco, Feb, 25, 2009   

Shir ay maanta ku yeesheen xubnaha baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug xaruntooda magaalada Gaalkacyo ayaa lasga soo saaray baqan oo ku wajahay gudoonka sare ee baarlamanka dowlada midnimada qaran

 

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Axmed Dheere ayaa shirkaasi ka dib sheegay in ay soo dhaweenayaan isla markaana ay ugu baaqayaan xubnaha Baalramaanka Soomaaliyeed in ay soo degaan Magaalada Gaalkacyo .

 

Axmad Dheere oo ah ku simaha Baarlamaanka GalMudug waxuu sheegay in ay awood dhaqaale u heli karaan haddii dhamaan baarlamaanka Soomaaiyeed soo degaan Magaalada Gaalkacyo , waxuuna intaasi ku daray in dadka deegaanka ay kaalin fiican kaga jiraan marti soorka iyo soo dhaweynta dadka walaalahood ah.

Arrintaan ayaa soo baxday kaddib shir ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka Galmudug, kaasoo looga dooday sida ay macquul u tahay soo dejinta Baarlamaanka Soomaaiyeed, waxaa kaloo ay sheegeen in fadhigii hore ee Baarlamaanka aysan suurta gal aheyn in ay ku noqdaan xiligaan maadaama gacantooda laga bixiyay.

C/risaaq Yaasiin

  Hobyonet

Gaalkacyo, GalMudug State

252-90-652060

 hobyonet@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this