Sign in to follow this  
General Duke

SOOL news sites support President Yusuf clear stance

Recommended Posts

Cabdilaahi Yuusuf: “Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan oo Dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga ay xoog ku qabsadaan”

 

 

Jan 01, 2008 By:

Baydhabo(Jidbaale): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu magaalada Baydhabo ku qabay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaaladdiisa Caafimaad, Tayada Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

 

Madaxweyne Yuusuf oo markii uu shirka jaraa’id qabanayay ay dhinacyadiisa fadhiyeen Guddoomiyaha Baalamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu sheegay in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, isla markaana muddo todobaadyo ah lagu soo daweeyay Isbitaal ku yaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

 

Saxaafadaha Caalamka ayaa waxay qorayeen in uu caafimaadkeyga aad u liito, qaar waxay sheegayeen in aanan soo noqoneyn, kuwana waxayba sheegeen in aan dhintay, balse hadda waxaad u jeeddaan in aan wanaagsan yahay, oo aan soo laabtay ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in uu haatan dib u sii amba qaadayo howshii qabyada ka ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu Sidoo kalena ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, wuxuuna sheegay in aan maamulka Somaliland laga yeeli doonin in ay xoog ku qabsadaan dad gobolladooda jooga, “Dowlada Federaalka iyo qof kasta oo muwaadin ah midna yeeli-mayo in Soomaaliya la kala gooyo, Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali-mayo dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga in ay xoog ku qabsadaan, dabadeedna iyagoo raba in ay xoog ku go’aan in ay la go’aan laga yeeli-mayo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu rajeynayo in uu maamulka Somaliland Ciidamadiisa la baxo oo uu wax fahmo.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu si kulul uga hadlo xiisadda ka taagan Gobolka Sool tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo ciidamo u daacad ah maamulka Somaliland uu dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool.

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Yusuf "Somaliland Hadaaney kabixin Sool Way Burburaysa"

 

{Baydhaba}1.1-8

"Madaxweynaha Somalia oo shirjaraa'id qabtay ayaa soo hadal qaaday weliba si qoto dheer uga hadlay Xaalada magaalada Laascaanood "waar Hooy (Somalilaaneey) isaga baxa gobolka sool waa idiin danee haddii kale awood milateri ayaan idiin adeeg sanaynaa" ayuu sikulul uyidhi madaxweyne yuusuf......................

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Baydhaba oo uu maalintii shalay dib ugu soo laabtay kadib safar caafimaad oo uu muddo ugu maqnaa dalka Ingiriiska ayaa wuxuu uga warbixiyey xaaladda caafimaadkiisa, dagaalka aan dhammaadka lahayn ee ka socda qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo heysashada Somaliland magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Ugu horreyn xaaladdiisa caafimaad ayuu ka hadlay wuxuuna sheegay in caafimaadkiisu hagaagsan yahay isla markaana lagu guuleystay dadaaladii lo galay sidii loo badbaadin lahaa markii xaaladiisa caafimaadka ay halis gashay, haatanna uu bed qabo oo uu Baydhaba ku soo laabtay, wuxuuna xusay in uu awood u leeyahay in uu weli siyaasadda uu sii wado.

 

Waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee gobollada dalka qaar sanad kadib ka sii taagan gaar ahaan wuxuu ka hadlay qaraxyada iyo weerarada Muqdisho ka soconaya, wuxuuna xusay in dagaallada ka sii socda Muqdisho ay ugu wacan tahay magaalada oo ah meel aan lagu dagaalami karin oo aan duur ahayn, kooxaha dagaalamayana ay ku gambanayaan goobaha shacabkooda ay degan yihiin, laakiin wuxuu ku adkaystay in si kastaba dowladda Soomaaliya ay nabad ku soo dabaali doonto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

“Uma dulqaadanayno dadka la leynaya, kuwa falalkaas ku jirana ee dadka leynaya waa la soo qabqabanayaa oo sharciga iyo cadaaladda ayaa la hor keenayaa, waana lagama maarmaan in la xaliyo waddanka Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in sanadkan cusub wax badan isbedeli doonaan.

 

“Xukuumad tayo sare leh oo ka wanaagsan kuwii hore ayaa la soo dhisayaa, wax badanna wey qaban doontaa xukuumadda cusub” ayuu yidhi Madaxweyne Yuusuf oo dhinaca kale sheegay in waxyaabo badan ay sanadkii hore dowladdiisu qabatay sida la wareegidda magaalooyin waaweyn oo Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasimadda Muqdisho iyo kuwo kale oo badan, wuxuuna ku faanay madaxweynaha in dagaalladii ay la galeen kooxihii ka soo horjeeday sanadkii tegay ay kaga guuleysteen, inkastoo dagaalladaas kuwo ka daran oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay Soomaaliya kas sii socdaan.

 

Waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in dowladdiisu ay qabatay shir dib u heshiisiin ah oo sida uu yidhi lagu qabtay magaalada Muqdisho, wax badan oo dan u ah ummadda Soomaaliyeedna uu ka soo baxay shirkaas Soomaalida loo qabtay.

 

Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday weliba si qoto dheer uga hadlay magaalada Laascaanood oo gacan ku heynteeda ay la wareegeen maamulka Somaliland iyadoo horey maamulka Puntland uu awood ku lahaa magaaladan balse looga awood roonaaday,

 

wuxuuna sheegay in aysan ka ogolaan doonin Maamulka Somaliland in ay kala gooyaan gobollada dalka Soomaaliya, lana aqbali doonin in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaanka Laascaanood, waxa uga digay Somaliland inay ka baxdo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool haddii ay ka bixi waayaana tallaabo la qaadi doono, dowladda Soomaaliyana aysan ka gaabsan doonin arrimaha Gobolka Sool, isagoo xusay inta dagaal culus uusan dhicin oo dad ku baaba’in halkaas ay si nabadgelyo ah ugaga baxdo magaaladaasi Somaliland.

 

Jor..Widhwidh Online news Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne Yusuf oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka News/Articles >halka ka dhegeyso Wararkii Cawa iyo Caalamka ee VOICE OF AMERICA qeybta Af Soomaliga,waxaana Cawa ku jira wararkii ugu danbeeyey ee Somalia iyo weliba wararkii caalamka iyo caawa

 

 

M/weyne Yusuf oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay dhismaha xukuumada cusub, hawlgalada amniga, waxqabadka dawlada iyo weliba duulaanka ay soo qaadeen Jabhada SNM [somalida Neceb Midnimada] ayuu madaxweyne sheegey in an loo dulqaadan doonin weerarka ay soo qaadeen hadiise ay ka bixi waayaan wuxuu yiri waxaa lagaga sari doonaa Xoog taasna waxaa ka masuul ah cidii weerarka soo

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Why do you always just regurgitate the same stuff from the same sources. if you really want to enlighten those that oppose your views you should come up with credible, fresh and insightful arguments from credible sources. only then will people take you a seriously.

 

Until then you remain a commical character and no more

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this