Sign in to follow this  
Sky

Establishment of Special Ties Between Puntland (Somalia) and Emilia Romagna (Italy)

Recommended Posts

Sky   

Roma: Dawlad Goboleedka Puntland iyo Dawlad Goboleedka Emalia Romania ee Talyaaniga Oo La mataaneeyay iyo Jaamacadda Puntland State University oo Aqoonsi Buuxda Loo Helay.

- Monday, July 04, 2005 at 15:50

 

Roma(AllPuntland)-Guddoomiyaha dhaqaatiirta Puntland ahna madaxa jaamacadda Puntland State University Prof: Maxamed Jaamac Salaad oo haatan kusugan magaalada Bolonyo ee dalka Talyaaniga ayaa maanta shaaca ka qaaday in dawlad goboleedka Puntland iyo dawlad goboleedka Emelia Romania si rasmi ah loo mataaneeyay oo waxqabadka horumarineed ay wadaagi doonaan.

 

Maxamed Jaamac Salaad wuxuu sheegay inuu safar dheer u galay hawlaha jaamacadda PSU iyo hawlaha horumarineed ee dawlad goboleedka Puntland , wuxuu sheegay inuu tagay dalkaasi Talyaaniga isla markaana uu kulamo lasoo yeeshay madax ka socotay dawlad goboleedyo ay kamid yihiin Emilia Romania , Lampardia , Ziresa iyo gobollo kaleeto.

 

Wuxuu xusay Prof: Maxamed Jaamac Salaad inuu lakulmay madaxa Jaamacadda Bolonyo, waxayna isku soo qaadeen sida uu sheegay in la mataaneeyo gobolka Emelia Romania iyo Puntland.

 

Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee gobolka Emelia Romania ayuu sheegay inay isla qaateen in si wada jir ah hawsha loo wado lana wanaajiyo xiriirka labada dawlad goboleed, mar wax laga waydiiyay mud, Salaad waxa Puntland ka ogtahay arintaasi ayuu sheegay in madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ay kawada hadleen iskuna afgarteen arintaasi inay noqoto mid lasii amboqaado.

 

Caasimadda gobolka Emelia Romania ee Bolonyo ayuu sheegay Prof Maxamed Jaamac inay caawinaado badan u sameeyeen dadka Ereteria ayna ugu deeqeen lacag gaaraysa 80 malyan oo Yuuro.

 

Jaamacadda Puntland University mar uu ka hadlayay Maxamed Jaamac Salaad ayuu sheegay in Jaamacadda Bolonyo ay ballan qaadday inay waxbarasho deeq ah u dirto macallimiinta jaamacadda wax ka dhiga , isla markaana ay ogolaadeen inay waxbarasho deeq ah siiyaan ardayda jaamacadda marka ay dhammeeyaan waxbarashadooda.

 

Prof Maxamed Jaamac wuxuu sheegay in gobollada ay maamulaan xisbiga bidixda inay diyaar u yihiin caawinta dadka reer Puntland gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

 

Wuxuu sheegay in safarkiisa uu soo gabo gabayn doono bishan dhammaadkeeda isla markaana kulamo uu lasoo yeelan doono madaxda gobolka Lazio ee xarunta Roma oo ah gobolka ugu dhaqaalaha badan Talyaaniga uuna usoo bandhigo qorshayasha uu maaggan yahay.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

 

http://www.allpuntland.com/news/news_item.asp?NewsID=4556

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Roma: Madaxwaynaha gobolka Puntland ee dalka Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Gobolka Emilia Romagna ee Talyaaniga oo Xiriir Sameeyay

- Sunday, July 10, 2005 at 12:55

 

Roma (AllPuntland)- Maamul goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u ogolaaday qorshe uu xiriiriye ka ahaa Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo ah in iskaashi Caalami ah uu dhex maro gobollo ka mid ah dalka Talyaaniga.

 

Madaxwaynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo Madaxwaynaha Maamul goboleedka Emeilia Romagna Mr Vasco Erreani ayaa isgaarsiinta uga wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo sida loogu baahanyahay in dhinacyada horumarka la is wadydaarsado.

 

1ProfAntonio_Savini_Vice_Chancellor_for_

Ka bilow Bidix: guddoomiye ku xigeenka gudiga xiriirka Caalmaiga ah ee Jaamcadda Palvia ee gobolka Lombardia Prof.Antonio Savin iyo Guddoomiyaha Jaamacada Puntland State University (PSU) Prof. Maxamed Jaamac Salaad

 

Prof. Maxamed Jaamac oo ah isku xiraha labada Maamul goboleed ayaa shir saacado qaatay la yeeshay Mr Vasco Errani , waxayna isla meel dhigeen baahida Puntland ee gobolka Emilia Romagna uu ka caawin karo Puntland.

 

Maxamed Jaamac oo u waramayay AllPuntland wuxuu sheegay in markii hore ee uu tagay Talyaaniga uu ogaaday in gobollada Talyaaniga aan si fiicanba looga aqoon Puntland. Wuxuu xusay Prof: Salaad in a ka dhaadhicinta gobollada Puntland iyo inay yihiin gobollo 8 ah oo qayb ballaaran ka ah dalka Soomaaliya intiisa kale ay waqti qaadatay.

 

1ProfRoberto_Grandi_Vice_chancellor_for_

Ka bilow Bidix: Guddoomiyaha Jaamacada Puntland State University (PSU) Prof. Maxamed Jaamac Salaad iyo guddoomiye ku xigeenka xiriirka Caalami ah ee gudiga Jaamacadda Bolonyo Prof: Robert Grandi

 

Waxyaabaha Prof: Salaad iyo Mr Vasco Erreni ay isla soo qaadeen waxaa kamid ah in xiriirka labada maamul goboleed la joogteeyo , in dhinacyada aasaaasiga ah la horumariyo sida waxbarashada , caafimaadka iyo nolosha guud.

 

Guddoomiyaha Jaamacada Puntland State University (PSU) Prof. Maxamed Jaamac Salaad ayaa sidoo kale kulamo la qaatay guddoomiye ku xigeenka xiriirka Caalami ah ee gudiga Jaamacadda Bolonyo Prof: Robert Grandi iyo guddoomiye ku xigeenka gudiga xiriirka Caalmaiga ah ee Jaamcadda Palvia ee gobolka Lombardia Prof.Antonio Savini.

 

Sidoo kale Prof. Salaad wuxuu sheegay inuu kula kulmay xafiiskiisa madaxweynaha maamul goboleedka EmiliaRomagna Mudane: Vasco Errani oo ay isku afgarteen in madaxda Puntland ay diyaar u noqdaan xiriir wanaagsan.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

 

http://www.allpuntland.com/news/news_item.asp?NewsID=4586

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this