Sign in to follow this  
General Duke

AU sticks to deploying troops to Somalia.....

Recommended Posts

Midowga Afrika oo ku baaqay in si deg deg ah Ciidamo loo geeyo Soomaaliya .

 

Warkii 14-Dec-2006 iyo Qormadii: yaasiin faytin

Ururka Midowga Afrika ayaa ka sheegay shir ay maanta ku yeesheen dalka kenya xaruntiisa nairobi in wadamada Afrikaanka ay waajib ku tahay inay u diraan ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah si ay u taageeraan dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ula xaajoodaan dhinaca ka soo horjeeda ee maxkamadaha islaamiga,si iyaguna ay uga soo dabcaan mowqifkooda ,islamarkaana ay hogaamiyayaasha afrikaanka ahi dowlada taageeraan sidaana waxaa yidhi'' aLpha Omar konare gudoomiyaha midowga afrika''

 

 

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Alpha Omar Konare oo maanta ka hadlayay shir ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu ku booriyey hogaamiyayaasha Afrika inay taageeraan dowlada KMG si ay uga hortagto maxkamadaha islaamiga, waxa uuna ka digay cawaaqibka ka dhalan doono haddii arrintan laga aamuso.

 

"Sida cad xaaladdu waxay ku socotaa dagaal, waa ayna yaraatay rajada laga qabo wada xaajood haddii aan la taageerin dowlada federaalka Soomaaliya," ayuu yiri Mr. Konare.

 

Si kastaba ha ahaatee Waxa uu ku canaantay hogaamiyayaasha sababta loo waayey midnimo Afrikaan ah oo wax loogu qabto maamulka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu ka dhashay shir sanooyin loo fadhiyey dalka Kenya.

 

yaasiin maxamed cali (faytin)

 

yaasiin2006@hotmail.com

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kunaari''Dowladda iyo Maxaakimta ma heshiin karaan,inta la isku dheela tirayo awooda,taana waa in aan ciidan u dirnaa Somaliya''.

 

 

Muqdisho:-Midowga Africa ayaa ku baaqay in dalalka Africa si deg deg ah ay ciidamo ku geeyaan dalka Somaliya si loo meel mariyo qaraarkii kasoo baxay QM,ee dhigayay dalka Somaliya in ay galaan ciidamo shisheeye oo gacan siinaya kuwa dowladda FS.

 

 

 

Gudoomiyaha Midwoaga Africa Alfa Cumar Kunari oo ka hadlayay kulanka maanta Madaxda Wadamada Harooyinka Africa uga furmay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay dowladaha Africa in ay gacan siiyaan dowladda Somalia ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo,si looga badbaadiyo Maxkamadaha Shareecada.

 

 

 

''Xaaladda Somaliya waxaa ay aheyd mid aad u kacsan,anaguna ma sameyn dadaal aanu ku damin karno,haatan waa in aan ciidamo u dirnaa Somaliya si loo taageero dowlada FS'' ayuu yiri Konaari oo la hadlayay madaxweynayaal ka socday 6 dal oo kulanka ka qeybagalaya.

 

 

 

Gudoomiyaha Midowga Africa Alfa Cumar Kunari waxaa uu intaasi raaciyay in Dalalka Africa aysan dooneyn dagaalo mar kale lagu huriyo Somaliya,balse waxaa uu sheegay in aan Nabada Somaliya la gaari karin inta la isku dheelitirayo awooda labada dhinac,taasina ay ku dhici karto in la taageero xukuumadda Federaalka.

 

 

 

Kunaari waxaa uu kaga digay dalalka Africa in xaaladaha ka jira Somaliya ay saameyntooda soo gaarto,isagoo sheegay in laga yaabo sandaha soo socda in ay soo ifbaxaan dad si weyn ugu fac sheegta Islaamka,sida Golaha Maxkamadaha Islaamka uu tilmaamay.

 

 

 

Sidoo kale madaxda Afrikaanta ee ka hadashay kulanka ayaa waxa ay sheegeen in ay taageerayaan dowladda FS,si looga badbaadiyo waxa ay ku tilmaameen xaalad adag oo kasoo wajahday dhanka Maxkamadaha Islaamka,madaxweynaha dalka Congo Joseph Kabila oo kamid ah madaxweynayaasha ayaa yiri''Aad iyo aad baan uga walaacsanahay xaaladaha ka jira Somaliya''.

 

 

 

Jibril Nuur

 

Waayaha.net-Nairobi-Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKMGS oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan in Ciidamada Afrika ka socda loo keeni doono Somalia.

 

Muqdisho, Khamiis, 14 Dec 06 Simba Radio

 

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFKMGS Ismaaciil Max'ud Hurre Buubaa ayaa sheegay in qaraarkii QM ay ansixiyay oo ku baaqaya in Ciidamo Nabada ilaaliya loo diro Dalka Somalia uu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan gali doono, in kastoo ilaa hada aysan jirin Dowlada balan qaaday iney ciidamo u soo direyso Dalka Somalia.

 

Buubaa oo xalay u waramayay Idaacada Simba ayaa sheegay in lagu guda jiro sidii ciidamada loo diraan lahaa isla markaana dhaqaalaha iyo tasiilaadka ku baxaya la doonayo in la dhameystiro isla markaana ay ka howl galaan Gudaha Somalia .

 

Buubaa oo la weydiiday sababaha ay Uganda u sheegay ineysan Ciidamo ugu soo direynin Somalia ayaa sheegay in arintaais aysan aheyn sida lo fasirtay balse Dowlada Uganda ay ansixisay isla markaana laga war sugayo Baarlamaanka Uganda oo uu sheegay in dhawaan ay ansixin donaan.

 

“Caalamka oo dhan sida lagu wada yaqaan Wadan haduu doonayo inuu ciidamo u diro wadan kale waa in Baarlamaanka uu ansixiyo marka Baarlamaanka Uganda ayaa dhawaan arintaasi u fadhiisan doona weyna ansixin doonaan” Ayuu yiri Buubaa.

 

Ismaaciil Buubaa, waxa uu sidoo kale sheegay ineysan aheyn arinta ciidamo keenista Somalia mid la iska yiri balse sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamadaasi loo keeni doono, sida nabada iyo xasiloonida dib loogu soo celiyo Dalka Somalia .

 

Si kastaba ha ahaatee, Hadalkaan kasoo yeeray Buubaa ayaa waxa aad u dhaliiyay Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga kuwaasoo horey u sheegay ineysan marnaba ogolaan doonin in Ciidamo Shisheeye ay dalka yimaadaan.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Afrika oo ku adkeystay in Ciidamo uu u dirayo Soomaaliya.

 

Nairobi 14, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Madaxa ururka Midowga Afrika ayaa goor dhow sheegay in wadamada Afrikaanka ay waajib tahay inay diraan ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah si ay u taageeraan dowlada jilicsan ee KMG ee Soomaaliya oo ay ula xaajoodaan dhinaca ka soo horjeeda ee maxkamadaha islaamiga.si iyaguna ay uga soo dabcaan mowqifkooda.

 

Kulan madaxeed maanta ka dhacay dalka Kenya, ayaa gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika, Alpha Omar Konare waxa uu ku booriyey hogaamiyayaasha Afrika inay taageeraan dowlada KMG si ay uga hortagto maxkamadaha islaamiga, waxa uuna ka digay cawaaqibka ka dhalan doono haddii arrintan laga aamuso.

 

Mr. Konare waxa uu u sheegay lix hogaamiye oo ku kulmay Nairobi in Soomaaliya ay baaqi ku aheyd dowlad la’aan mudo dheer, mana aha buu yiri in aanu ogolaano arrintu ay faraha ka baxdo oo xaaladu ay quranto.

 

“sida cad, xaaladu waxa ay ku socotaa dagaal, waa ayna yaraatay rajada laga qabo wada xaajood haddii aan la taageerin dowlada federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Mr. Konare.

 

Waxa uu ku canaantay hogaamiyayaasha sababta loo waayey midnimo Afrikaan ah oo wax loogu qabto maamulka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu ka dhashay shir sanooyin loo fadhiyey dalka Kenya.

 

Todobaad ka hor ayaa golaha amaanka ee Q.M waxa uu ansixiyey qaraar uu soo gudbiyey Mareykanka oo lagu ogolaaday in qeyb ahaan la qaado xayiraada hubka ee saran Soomaaliya, taasoo u suurtagalinaysa ciidamo ka socda inay hubkooda la galaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dowlada KMG.

 

 

 

 

 

 

 

Shabelle Media Network Kenya

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahmed_Gurey, you thought the security council decesion was a joke, kinda like master IndaCade right?

 

NAIROBI: Xoghayaha Midowga Afrika oo sheegay in loo baahan yahay ciidammo loo diro Somalia

Posted to the Web Dec 14, 19:33

 

 

Nairobi (PP) - Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika Alpha Omer Konari ayaa sheegay in dalalka Afrika laga doonayo inay ciidammo nabad ilaalin ah u diraan gudaha Soomaaliya, si ay gacan u siiyaan Dowladda Federaalka Somalia.

Alpha Omer ayaa ka sheegay hadalkaan mar uu maanta ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda dalal ka tirsan kuwa Afrika oo ay Soomaaliya ka qaybgashay loogana kana furmay maanta Magaalada Caasimadda ah ee Kenya.

 

"Waa wax aan daawan karin in Soomaaliya ay noqoto meel halis ah oo ay ka dilaacaan rabshado cusub, isla markaana uu dhiig hor leh ku daato, waayo Somalia waxay dowlad la'aan ahayd muddo 16-sano ah" ayuu yiri Konar ioo carrabka ku adkeeyay inay tahay mid aan laga fursan karin in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay Afrika ciidammo u dirto Somalia.

 

Xoghayaha Guud ee AU-da ayaa hadlkaan uu jeediyay wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay oo uu si cad ugu sheego in loo baahan yahay in Somalia oo fowdo ay ka jirtay loo diro ciidammo, isla markaana ay ciidamadaas gacan siiyaan Dowladda Federaalka ee Somalia.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this