Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland holds talks with Somali PM

Recommended Posts

Gaalkacyo: Wada xaajoodyo ubilowday maanta Puntland iyo dowladda Soomaaliya.

18. august 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Hotelka Taar City ee duleedka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo waxa ay maanta wada hadalo uga bilowdeen dowladda faderaalka ee Soomaaliya iyo dowladda Puntland oo marti loo yahay, markii ay shalay soo gaareen magaalada Gaalkacyo wafdi uu hogaaminayo Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya.

 

Wada xaajoodyada ayaa soo bilowday xalay, waxa ayna ahaayeen horudhac sida uu sheegay Madoobe Nuunow Maxamed oo ka mid ah Wasiirada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ee la socda Raysalwasaaraha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Kulankii xalay ayaa lugu soo qaaday Iswareysi ku aadan xaaladaha Amaan, Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxa ayna dhinacyadu soo jeediyeen qodobo kala gedisan oo ku aadan xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Puntland ayaa maanta hordhigaysa Cumar C/rishiid iyo Wafdigiisa waxyaabaha ay ka dhowraysay dowladda Soomaaliya, balse lugu guuldareystay in ay fuliso dowladda Soomaaliya, kuwaas oo iskugu jira kuwo badan oo leh dhinacyo badan.

 

Magaca ay adeegsadaan wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ah midnimo Qaran ayaa lafilayaa in ay dowladda Puntland ku sheegto mid aysan aqbali karin, isla markaasna ay dowladda Puntland ay cadeyso mawqifkeeda ku aadan xaaladahaasi.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinacooda soo bandhigi doona warbixino iyo xogo ku aadan waxyaabaha ku soo xambaaray waqtigan adag in ay soo gaaraan gudaha Puntland, ayadoo ay horay usheegeen in ay kala hadlayaan Madaxda Puntland arrimaha Milateriga iyo Ladagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida oo xal kama dambeys ah loo baahan yahay in laga sameeyo.

 

Saacadaha nagu soo aadan ayaa lafilayaa in ay faahfaahin ka soo baxaan wada xaajoodyadan, waxaana Saxaafada loo diiday in ay goob-joog ka noqdaan wada hadaladu inta ay socdaan, waxaana marka ay dhamaadaan lasoo saari doonaan Warsaxaafadeed sida uu AllPuntland usheegay Wasiiru dowladdaha Maamul-Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftiga R/wasaare Sharmaarke iyo madaxda dawladda Puntland oo saaka lagu wado in ay wadahadalo u bilaabmaan. [Akhris ...]

 

Galkacyo, Aug 18 - Waftigii ballaarnaa ee R/wasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke, ayaa la filayaa saakay in ay si rasmi ah u bilaabaan kulamo ay la yeelanayaan madaxda dawladda Puntland.

 

Kulanka ugu horreeya oo lagu wado in uu furmo saacadaha soo socda ee saakay, ayaa noqon doona mid ballaaran oo ay ka soo qayb-gali doonaa madaxda ugu sarraysa dawladda Puntland, golayaasha xukuumadda iyo baarlamaanka, iyo waftiga oo hoggaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

 

Kulan ayaa la iskula soo qaadayaa arrimo badan oo ku taxaluqa xiriir Puntlaand iyo dawladda Soomaaliya, waxaana dhidibada loogu taaxayaa sii xoojinta iskaashi dhinayo badan leh oo ay wadayeelanayaan labada dawladood.

 

Si ay tilmaamayaan warar laga helayo saraakiisha ku dhadhaw m/weynaha Puntland, waxaa ka mid ah waxyaabaha diiradda lagu saarayo shirka maanta muujinta doorka Puntland ay ku leedahay jiritaanka dawladda Soomaaliya iyo dadaalkii dheeree ee ay muddada ugu soo jirta sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed.

 

Wararka ku saabsan shirkaasi iyo kulamada dhaxmari doona waftiga R/wasaare Sharmaarke iyo dawladda Puntland waxaan idiin soo gudbin doonaa saacadaha soo socda.

 

C/fitaax Cumar Geeddi’

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this