Sign in to follow this  
Gabbal

Intellectuals and important civil society members fleeing Mogadishu's unrest.

Recommended Posts

Gabbal   

Aqoonyahanada, Dadka Waxgaradta iyo Saraakiisha oo isaga cararaya Magaalada Muqdisho

 

Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ka baxsanaya dadka waxgarta ee is dhihi karo tiir ayay u noqon karaan dhismaha iyo jiritaanka dalka, kuwaas oo bartimaameed ka dhiganayaan kooxaha wax dila ee fowdada ka wada Muqdisho.

 

Ugu yaraan 8 qof ayaa 12 saac aynu soo dhaafnay lagu dilay Caasimadda Soomaaliya Muqdisho, taasina waxay keentay in ay sii ballaarato cabsida laga qabo dhinaca Nabadgalyada.

 

Markii shalay sii laba jibaartay dilka loo geysanayo dadka rayidka ah ayaa dad badan oo aan la kulmay waxay bilaabayeen inay isaga tagaan dalka isla markaana meel ka mid ah dunida ka raadsanayaan goob ay ku noolaadan.

 

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada degan Caasimadda Soomaaliya ayaa ku baxsaday lugta, iyadoo qaar kalena qorsheynayaan in ay u dhoofan Dibadda.

 

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada kala duwan Soomaaliya kuwa aysan shaqada ka helin Dowladda Federaalka ayaa iyagana waxay ka fikirayaan inay isaga tagaan Caasimadda Soomaaliya.

 

2-dii sano ugu dambeysay ayaa kooxo aan la fahmin waxaa ay yihiin waxay bartimaameed ka dhiganayeen Aqoonyahanada iyo Saraakiisha Soomaaliyed.

 

Haatan oo dalka Dowlad ka jirta ayaa mar kale dib loo bilaabay dilka Saraakiisha iyo Aqoonyanada iyo dadka waxgarta eek u dhaqan Magaalada Muqdisho.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by N/AA:

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada kala duwan Soomaaliya kuwa aysan shaqada ka helin Dowladda Federaalka ayaa iyagana waxay ka fikirayaan inay isaga tagaan Caasimadda Soomaaliya.

I think they would rather join the insurgency, just like what happened in Iraq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this