Sign in to follow this  
Dr Ligle

Puntland Meets E.U Envoy At Galkacyo

Recommended Posts

Dr Ligle   

zFarooleGalkWafti3.jpg

 

Shir wadatashi ah oo ay Galkacyo ku yeesheen wafti ka socda EU-da iyo madaxda Puntland.

 

Galkacyo, Sept 01 - Wafti ka socda EU-da, ayna hogaaminayso ergayga gaarka ee EU-da u qaabilsan Somaliya ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay madaxda Puntland.

 

Kulanka oo ka dhacay huteelka Taar City ee magaalada Galkacyo ayaa waxaa saxaafada uga wararmay wasiirka beeraha ee Puntland Cabdigani Yusuf Cadde oo sheegay in nuxurka wadahadalu uu ahaa iskaashi iyo wadashaqayn dhex maray labada dhinac.

 

Qodobada ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa: - Adkaynta xiriirka wada-shaqayneed iyo iskaashi ee u dhexeeya EU-da iyo Putnland, - Ka taakulaynta Puntland ee mashaariicda horumarineed iyo bulsheed ee ay EU-du ka hirgaliso Puntland, - Daryeelka iyo xaalada nololeed ee muhaajiriinta ka soo barakacay koonfurta Somaliya ee ku sugan Puntland, - La dagaalanka burcad badeeda, - Ciribtirka tahriibka.

 

Waftiga ayaa ka koobnaa 5 xubnood oo ay ka mid ahaayeen ergayga gaarka ah ee EU-da u qaabilsan Somaliya, ergayga gaarka ah ee EU-da u qaabilsan Afrika, wakiilka EU-da ee mucaawanooyinka iyo gargaarka bini'aadanimo, wakiil ka socda Guddiga Amaanka ee EU-da, iyo sarkaal EU-da u qaabilsan siyaasada iyo amniga.

 

Kulanka ayaa waxaa Puntland uga qayb galay M/weyne Faroole iyo xubno ka kooban xukuumada Puntland.

 

Waftiga ayaa ka soo duulay Nairobi, laguna wadaa in ay ku laaban doonaan Nairobi.

 

C/fitaax Cumar Geedi,

Idaacada Daljir

Source: http://www.radiodalj ir.com/zview.php?id= 663

 

Excellent job farole raising up key domestic issues concerning the state of puntland. The E.U and Puntland needs to cooperate strongly on dealing with these headaches in our region. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub ee Bariga Africa oo gaartay magaalada Gaalkacyo.

1. september 2009 

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu ***  Email

Print This Article  | Daabaco warkaan

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Wafdi ay hogaaminayso Haweenayda Midowga Yurub uqaabilsan xaaladaha Bariga Africa ayaa manta gaartay deegaanada Puntland ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Xarunta KMG ah ee ay hada ku shaqeynayso dowladda Puntland ee Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud iyo Madaxda kale ee dowladda Puntland ayaa wafdigaasi ku qaabilay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna isla soo qaadeen xaalado kala gedisan oo ay ugu horeeyaan amaanka, Siyaasadaha iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya Yurub iyo Puntland.

 

Wasiirada dowladda Puntland ayaa usheegay APL in ay wafdigan saacado joogi doonaan magaalada Gaalkacyo, isla markaasna ay waxyaabo badan isla soo qaadi doonaan Madaxda dowladda Puntland.

 

Ladagaalanka Burcad Badeeda, wax ka weydiinta Puntland ee arrimaha qalafsan ee Soomaalida iyo qodobo kale ayey tahay ujeedada wafdiga Midowga Yurub ay ku soo gaareen magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

 

Haweenaydan hogaaminaysa wafdigan ayey utahay booqashadii ugu horeysay oo ay ku timaado Soomaaliya sannadyadan dhawaa, waxa ayna Midowga Yurub uqaabilsan tahay xaalada wadamada Bariga Africa oo ay ku jirto dowladda Suudaan, waxa ayna manta wada xaajoodyada ay la leedahay dowladda Puntland ay ku soo qaadi doontaa xaalado kala gedisan.

 

Ilo ku dhow dhow dowladda Puntland ayaa usheegay APL in ay Midowga Yurub doonayaan in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, isla markaasna ay doonayaan in ay ka caawiyaan Adeegyada horumarinta, sugida amaanka, ayagoo kaalmaynaya ciidamada kala gedisan iyo Hay’adaha Dastuuriga ah ee Puntland.

 

Midowga Yurub ayaa lacag bil walba siiya Maamulka Somaliland, taasoo ay ku caawiyaan ciidamada Booliska ee Somaliland, waxaana lugu waramay in ay hada dowladda Sweden oo heysa talada Midowga Yurub ay qaadi doonto talaabo ku aadan arrimahaasi ayna sami doonto labada Maamul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this